SAGALJET Oo Muwaacanno Timir Ah Ku Wareejisay Cusbitaalka Dhimirka, Xarunta Agoomaha Iyo Xabsiga Dhexe Ee Hargeysa

0
515

Picture2

Hargeysa (Hargeysa)- Shirkadda Daabacaadda casriga ah ee SAGALJET ee Hargeysa, ayaa muwaacanno ka kooban timir ugu deeqay cusbitaalka dhimirka, xarunta Agoomaha iyo xabsiga dhexe ee caasimadda.

Deeqdan timir ah oo loogu talogalay in dadka jilicsani quutaan bisha barakaysan ee Ramadaan, ayaa saraakiil ka tirsan shirkadda SAGALJET si gooni gooni ah ugu wareejiyeen masuuliyiinta Cusbitaalka guud ee Hargeysa iyo Waaxda Dhimirka oo la siiyey 30 Tanag, xarunta Agoonta oo heshay 30 Tanag iyo Xabsiga Dhexe ee caasimadda oo la guddoonsiiyey 40 Tanag shalay.

Madaxa Suuq-geynta Shirkadda SAGALJET Mr. Sacad Cabdi Daahir oo hoggaaminayey kooxda qaybinaysay timirtan, ayaa sheegay in deeqdan koobani tahay go’aan madaxda shirkaddu wixii karaankooda ah ugu talogaleen dadka madaxa ka xannuunsanaya, carruurta ku jirta xarunta Agoomaha iyo kuwa xukuman ee ku jira.

“Qofna ma doorto sida uu noqonayo, inteenna Ilaahay wax u dhiibay in inta jilicsan aynu wax ku celinnaa waa waajib la inna faray, dadkeenna ku jira cusbitaalka Dhimirka, carruurta xarunta Agoomaha iyo xabsiga Dhexe waa walaalaheen oo jilicsan oo u baahan in laga war hayo. Arrintanna ugumaanu talogalin xayeysiis iyo in SAGALJET magac ku hesho, laakiin waxaannu is nidhi haddii idinka awooddiinu inta noqotay kuwa idinka haynta badanina inay ku soo dhiirradaan oo ku baraarugaan dadkeenna baahan ee dalka ku sugan,” ayuu yidhi Sacad Cabdi Daahir.

Agaasimaha Guud ee Cusbitaalka Hargeysa Dr. Axmed Askar iyo Madaxa Waaxda Dhimirka Mustafe Xuseen Xirsi (Ina Khamriile), ayaa si wayn ugu mahadceliyey shirkadda SAGALJET mucaawada ay gaadhsiisay, iyagoo udu duceeyey in Ilaahay ka abaalmariyo oo u barakeeyo hantida, maadaama bisha Ramadaan ka mid tahay bilaha barakada badan oo Sakada iyo Sadaqadaba la aqbalo. Waxa kaloo ay ugu baaqeen ganacsatada kale inay ka war hayaan cusbitaalka iyo dadka jilicsan ee ku jira oo ay ku daydaan SAGALJET.

“Runtii niyada iyo xasuusta ayaa wax wayn ah, waxa muhiim ah sida aad noo soo xasuusateen iyadoo weliba lagu jiro waqtigii macaashka ee bisha Ramadaan oo ah xilligii laga faa’iidaysanayey ee wixii sadaqo iyo Sakaba la aqbalayey, markaa dalkeenna waxa jira dad badan oo jilicsan ha noqdaan kuwa xannuunsanaya ama kuwa baahiyaha kale qaba, waxaanna la innagu yaqaan Somaliand in ay aad ugu jajab yihiin dadka taageerada u baahan. Waanna uga mahadnaqayaa shirkadda SAGALJET mucaawadan ay na soo gaadhsiisay.”

Sidoo kale, Saxar-diid Muxumed oo ka mid ah hawl-wadeennada xarunta Agoomaha Hargeysa, ayaa isna bogaadin iyo duco ku qaabilay timirta SAGALJET oo uu isagu guddoomay, taas oo uu ku tilmaamay tallaabo muhiim ah, “Xarumaha Agoomaha ee lagu hayo carruurtu waxay ka mid yihiin meelaha ugu muhiimsan ee ay ku baxayso sadaqadu, Ilaahayna innagu dhiirrigeliyey, markaa waxaan leeyahay shirkadda SAGALJET halkii aad ka soo saarteen deeqdan Ilaahay khayr ha idiinku beddelo, tallaabadanina waa ku dayasho fiican oo looga baahan yahay in ganacsatada kalena ku daydaan oo ay ka war hayaan xaruntan oo taageero badan u baahan.”

Ugu dambayntii, Taliyaha Saddexaad ee Jeelka Hargeysa Cabdi Warsame Cumar, ayaa isna taageerada SAGALJET kaga dareen celiyey, “Shirkadda SAGALJET waanu ka guddoonay 40-ka Tanag ee Timirta oo ay ugu talogaleen walaalahooda ku xidhan xabsiga si ay ugu afuraan, waanuna ugu mahadcelinaynaa. Sidaas darteed, annaguna timirtaas waanu siinaynaa maxaabiista ay ugu deeqeen,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Taliye Cabdi Warsame Cumar.