Hargeysa(Geeska)-Wefti balaadhan oo uu hoggaaminayo safiirka wareega ee Somaliland danjire Raabi Cabdi Maxamed iyo la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha garsoorka Maxamed Maxamuud Gacmey iyo murashax kale, ayaa waxay safaro wacyigelinta diiwaangelinta la xidhiidha ku tageen deegaanada Sanaag bari.
Weftigani, waxa ay gaadheen magaalada Dhahar oo ay dadweynuhu aad ugu soo dhaweeyeen, waxaanay bulshada ugu baaqeen inay is diiwaangeliyaan oo ay qaataan kaadhka diiwaangelinta si ay doorashada codkooda u dhiibtaan. “Waa inaad is diiwaangelisaan oo aad qaadataan kaadhka diiwaangelinta, waa inaad si laxaad leh uga qayb qaadataan oo aad muujisaan awoodeena iyo cududeena oo aad la soo baxdaan xildhibaano inoo dooda oo danteena ka shaqeeya.” ayuu yidhi safiirka wareega ee Somaliland Mr. Raabi.
Oday Maxamed Gacamey, oo isna halkaas ka hadlay ayaa yidhi “Inaynu umadda iyo dalka aynu ka mid nahay ee Somaliland ka mid noqono oo ka muuqano weeye, addunku waa da nee waa inaad is diiwaangelisaan oo aad qaataan kaadhka diiwaangelinta.”
Waxa isaguna halkaas ka hadlay murashax golaha wakiilada uga qayb galaya Sanaag bari oo weftiga la socda oo dadka ugu baaqay inay is diiwaangeliyaan.
Geesta kale, dadweyne tiro badan oo soo dhaweeyay weftigan ayaa balan qaaday inay is diiwaangelin doonaan iyagoo sheegay inay u mahadceliyaan weftiga.