Saddexda Hoggaamiye Ee Xisbiyada Qaranka Oo Soo Bandhigay Dareenka Ay Ku Qaabili Doonaan Go’aanka Madaxweynaha Ee Saami Qaybsiga Kuraasta Wakiilada

0
707

Hargeysa(Geeska) – Gudoomiyayaasha Asxaabta qaranka Somaliland ayaa ka hadlay dareenka ay ku qaabili doonaan go,aanka madaxweynaha Somaliland ka gaadho saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Gudoomiyayaasha sadexda xisbi oo shalay kulan la qaatay madaxweynaha Somaliland ayaa markii uu kulankaasi dhamaaday waxay ka hadleen sida ay arkaan go,aan kasta oo madaxweynuhu arintaasi ka gaadho.

Gudooomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay shir jaraa,id oo ay wada jir u qabteen hogaamiyayaasha labada xisbi ee kale ayaa sheegay inay  aqbalayaan go,aanka madaxweynuhu soo saaro waxaanu yidhi “Arinta saami qaybsiga ee cid waliba  ka baqatay afar ama sadex xog ururin ayaa laga sameeyey , golaha wakiiladu guddi ayey u direen waxaanay soo celiyeen lixdii gobol doorasho oo kaaf iyo kala dheeri ah oo aan laysku keeni Karin halka ay kala taagan yihiin , qoladan Akadamiguna waxay sameeyeen xor ururin iyagana  waxa ka soo baxay  iskuma dhawa aadna waa loogu kala fog yahay, qoladan ururada bulshada rayidka ahi xog ururin ayey sameeyeen oo waxay keeneen car i taabo, arintaa saami qaybsiga golayaasha runtii qaran ahaan oo dhan ayeynu eed ku leenahay inaga oo aan faraha isku fiiq fiiqin waayo 11 sanadood ayeynu eeganaynay.”

Gudoomiye Muuse Biixi oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Waxaanu isla garanay inaanu kalsooni siino madaxweynaha oo odaygii qaranka ah qoraalna aanu u saxeexno wixii go,aan ah ee uu gartana waanu ku raacaynaa, sidaas ayaanan ku heshiinay, waxaanan xisbiyada mucaaridka ah uga mahad celinayaa talada wanaagsan ee ay nagu raaceen ee talada odayga inaan laga  daba hadlin.”

Sidoo kale gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa isaguna sheegay inay aqbalayaan go,aanka madaxweynahu soo saaro “Waxa noo shuruud ah in wixii madaxweynuhu soo saaro lays garab taago oo  aan ciyaar siyaasadeed laga dayin  oo danta qaranka la horaysiiyo , madaxweynaha haddii aanu ku nidhi tali madaxa meel la salaaxo oo ka saraysaa ma jirtee waa inaanu ogolaanaa taas ayaanan ku heshiinay waxaanad ogaataan inay arintaasi tahay mid aanu xal kale u waynay, madaxweynahana waxaanu ugu ducaynaynaa in ilaahay sida hagaagsan u tilmaamo inaguna aynu garab istaagno.” Ayuu yidhi Gudoomiye Faysal

Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa dhinaciisa sheegay “Xisbiyada waxaanu isku waafaqnay laba qodob kuwaas oo kala ahaa arinta saami qaybsiga kuraasta ee doorashada 2017-ka inaanu madaxweynaha u soo celino iyo qodobka labaad oo ahaa inuu madaxweynuhu gaadho xalka ku saabsan saami qaybsiga kuraasta, asxaabtuna ay aqbalaan, madaxweynahana waxaan ilaahay uga baryayaa inuu xalka u fududeeyo, xal aynu labada doorasho ku qaban karnana ilaahay waafajiyo.” Ayuu yidhi gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro.