Sacuudiga Oo Hawada Sare Ku Xakameeyey Gantaal Ku Jihaysnaa Magaalada Riyaadh

50
4337

Riyad (Geeska):Isbeheysiga uu Sacuudiga hoggaaminayo ee dagaalka kula jira Xuutiyiinta Yaman ayaa sheegay in ay qabteen gantaal  kusii jeeday magaalada Riyaadh, sida uu baahiyay TV-ga dawladda Sacuudiga. Goobjoogayaal ku sugan caasimadda Sacuudiga ayaa sheegay in ay maqleen qarax. Waxay sidoo kale baraha bulshada geliyeen qiiq ka baxaya dhanka hawada sare.

 

Mucaaradka Xuutiyiinta ayaa TV-gooda Al-Masirah ka sheegay in gantaalka loo yaqaano Burkan-2 ay u rideen dhanka qasriga Yamama. Bishii la soo dhaafay, gantaal kaa la mid ah ayaa ku dhawaaday garoonka diyaaradaha ee Riyadh.Sacuudi Carabiya iyo Mareykanka ayaa Iraan ku eedeeyay in ay madaafiic siiso Xuutiyiinta Yaman.

Wallow Iraan ay beenisay in ay hubeysan dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta oo dagaal kula jira isbeheysiga Sacuudiga iyo dowladda Yaman tan iyo 2015-kii.

Dhanka kale, Waxrbixin lagu qoray bogga al-Masirah waxaa la geliyay muuqaalka iyadoo xuutiyiinta ay ku dhawaaqayaan rididda gantaalka Burkan-2.

Gantaalka waxaa lagu riday dhismaha Al-Yamama ee Riyadh oo uu ka socday “kullan ay lahaayeen hoggaamiyayaasha Sacuudiga”, ayaa lagu qoray bogga.Daqiiqado ka dib, Telefishinka dowladda Sacuudiga ee al-Ikhbariya TV, wuxuu baahiyay in gantaalka lagu qabtay koonfurta caasimadda Riyaadh.

source://BBC-SOMALI.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here