Hargeysa(Geeska)-Isbedelada siyaasadeed ee ka dhacay dalalka Zimbabwe, Koonfur Afrika iyo Itoobiya, ayaa noqday mawaadiic ay bulshada qaaradu aad u falanqaysay muddooyinkan dambe. Dhammaan saddexda hoggaamiye ee kala ah Jacob Zuma oo Koonfur Afrika madaxweyne u ahaa, Raysalwasaare Hailemariam Desalegn iyo ruug cadaagii Zimbabwe Robert Mugabe, waxa ay isu casileen ka dib markii ay la kulmeen kacdoono siyaasadeed oo kaga yimid dalalkooda iyo weliba xisbiyadii ay metelayeen gudahooda.
Madaxweyne Zuma, waxa lagu qasbay inuu is casilo 14 February, ka dib markii uu xisbigiisu ugu hanjabay inuu baarlamaanka kaga qaadi doono xilka haddii aanu is casilin. Maalin ka dib is casilaadaas Madaxweynihii Koonfur Afrika oo ahayd 15 February waxa isna is casilay Raysalwasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn.
Is casilaadda hoggaamiyayaashan ayaa keenay doodo badan oo lagu falanqeeyay is casilaadahaas iyo sababta oo noqotay culaysyo kaga yimid shacabkooda, kuwaas oo ahaa kuwo aan la filayn.
Dad badan oo siyaasadda falanqeeya ayaa sababaha keenay is casilaadda hoggaamiyayaashan waxay ka dhigayaan kuwo isku mid ah oo ah in kacdoon shacab oo la mid ah kacdoonadii ka dhacay dalalka Carabtu uu sahaydayn madaxdan. Kacdoonadii Carabta ayaa lagu xasuustaa inay meesha ka saareen hoggaamiyayaal siyaasadeed oo Carbeed oo ay ka mid ahaayeen hoggaamiyayaashii Tuniisiya Zine El Abidine Ben Ali, Xusni Mubaarigii Masar iyo Qadaafi oo Liibiya madax u ahaa.
Kacdoonadaas Carabta waxa hoggaaminayay dad shacab ah oo awoodooda arkay, kuwaas oo khasaare kasta oo nafeed oo gaadhay aan marna u hakin kacdoonadaasi inay socdaan ilaa ay aakhirkii guulaysteen. Hoggaamiyayaashan Qaaradda Afrikana ee saddexda ah waxa sahayday kacdoono noocaas u muuqaal eeg.
Raysalwasaaraha Itoobiya wuxuu isu casilay culaysyo ka dhashay mudaharaado muddo sanado ah ka socday Itoobiya iyo kacdoon kale oo kaga bilaabmay xisbigiisa EPRDF oo aakhirkii culays ku saaray inuu is casilo.
Madaxweyne Zume ee Koonfur Afrika ayaa xilkiisii ku waayay eeddo musuq maasuq oo uu xisbigiisu u jeediyay taas oo gilgishay xukuumadiisii.
Markaas mar haddii ay isbedeladani u muuqaal eekaadeen kuwii Carabta, waxa suurtogal ah inay sii socdaan oo ay sahaydaan hoggaamiyayaal kale oo Afrikaan ah oo kursiga ku raagay.
19 February hoggaamiyaha mucaaradka Yugaandha oo ahaa Raysalwasaarihii hore ee dalkaas ayaa sida uu baahiyay wargeyska The Daily Monitor ee dalkaasi, wuxuu shacabka reer Yugaandha u sheegay inay fishaan isbedel xukuumadood oo deg deg ah, laakiin muu bixin faahfaahin. Waxase hadalkiisa loo qaatay suurtogalnimada in la arko duufaano siyaasadeed oo shacabka ka yimaada oo madaxweynaha dalkaas Yuweri Musaveni ka dalbada inuu is casilo.
Si guud haddiise loo eego is casilaadahan u dambeeyay ee qaaradda waxa ay rajo geliyeen shacabka oo u muuqda inay arkayaan awoodooda ay wax ku bedeli karaan, waase haddii ay helaan hoggaamiyayaal aragti ahaan ka fikir curin balaadhan kuwaas hore.
Waxaana la eegi doonaan inay noqdaan isbedelo sii socda oo garaaca albaabada hoggaamiyayaal siyaasadeed oo kuwooda ugu yari ay labaatan sannadood muddo ku dhow fadhiyeen kuraasida madaxtinimada.