Saaxil: 4 Qof Oo Lagu Qisaasay Mandheera Iyo 2 Dil Ku Xukunaa Oo Laga Furay Tiirka Toogashada

0
562

Mandheera (Geeska) – Laba nin oo ay aheyd in Shalay lagu fuliyo dil qisaas ah ayaa laga furay tiirkii lagu dili lahaa, Arrinta ayaa ka dhacday Mandheera oo ka tirsan gobolka Saaxil ee Somaliland, halkaas oo Shalay Subax tiirka la geeyay lix maxbuus.

Waxa ay daba socotay markii reeraha labada dhinac ay ka heshiiyeen dilkii oo ay mag kala qaateen kaddibna tiirkii laga furay labadaasi nin.

Axmed Saciid Geelle oo kamid ah raggii tiirka ka soo furay raggaas ayaa Idaacadda BBC-da u sheegay in sababta keentay in tiirka ay ka furaan mid ka mid ah raggaas ay aheyd inay u dhag raariciyeen codsi uga yimid bulshada oo ahaa in ninkaas aan lagu fulinta qasaasta balse ay qaataan magta isla markaana loo duceeyo.

Wuxuu sheegay in muddo ay ku adkeysanayeen in dilka lagu fuliyo ninkaas, balse markii dambe ay gaadheen go’aanka “Haddii aan nahay walaaladii iyo dadkii ay khuseysay qisaastiisu, go’aan waxaan ku qaadannay in aanan ninkaas ka diyo qaadan sida sharciga ah ee uu dilka ugu fulinayo ninkaas in aan marno, muddo 7 sanadood ah ayaan diidaneyn in aan diyo ka qaadanno, waxaa maanta (Shalay) kalifay xukunka si weyn ayaa umadda Soomaaliyeed noola soo hadashay dibedda iyo gudaha iyo Somaliland gudaheedaba, waxyaabo badan baan eegnay duco qaata baa nala yidhi, waa nala barayey, waxaan go’aansanay in aan diyadii qaadano oo aan dilkii jebinno”

Axmed Saciid Geelle wuxuu sheegay in ninkan oo horey u dilay walaalkii oo askari ahaa markii uu xadhigga ka furayay uu dareemay farxad xilli raggii kale lagu fuliyay xukunka dilka ah.

“Markii aan saaka (Shalay) ka jebinay dilka ee xadhigga ka furnay, dareenkiisa wuxuu noqday adduunyada farxaddii ugu weyneyd in uu la kulmay, xabbaashiisu way qodneyd, tiirka ayaa lagu xidhay, Ma anaan la sheekeysan.. anaga dilkii kaa fulinay, wax dhaafsiisan uma aanan gelin”

“Waxaan ku heshiinay in aan kala qaadano magta, waraaqihii baan kala qoranay iyadoo duco iyo baryo aan ka qaadanay umadda Soomaaliyeed” ayuu yidhi Axmed Saciid Geelle.

Labada nin oo aan magacyadooda weli la shaacin ayaa ka soo kala jeeda Soomaaliya iyo magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Ninka reer Koonfurka ah ayaa lagu helay dembi ah inuu dilay askari ka tirsan ilaalada xabsiga Hargeysa oo uu ku xidhnaa, iyadoo markii hore loo qabtay budhcad badeednimo.

Ninka reer Laascaanood oo horay uga tirsanaa ciidamada Somaliland ayaa dilay nin ay isku heyb yihiin, waxaana ay maxkamad go’aamisay in lagu fuliyo xukun qisaas ah.

Diinta Islaamka ayaa qofka qisaasta loo fulinayo siisay saddex khiyaar oo ah; in gacan ku dhiiglaha loo dilo, in diyo uu ka qaato ama in uu iska cafiyo.

Inta badan ma dhacdo in qof tiirka la geeyay si qiyaas loogu fuliyo uu ka badbaado xaaladdaas.

Xigasho: BBC