Dhacdooyin si gaar ah u soo jiitay idhaha dadweynaha, ayaa ka soo baxay barnaamij loogu magac daray badhig-hibeedka dadka reer Somaliland oo laga bilaabay telefishanka Qaranka (SLNTV) bilowgii bishii Febreury ee sannadkan 2015.
Barnaamijka bandhig-hibeedka Somaliland (Somaliland got talent) oo loogu talogalay in dadku ku soo bandhigaan hibooyinka Alle qof walba gaar u siiyey ee ka qarsoon ummadda, waxa muddo kooban oo uu socday saamayn xooggan ku yeeshay dadweynaha iyo daawashada telefishanka Qaranka Somaliland-ba.
Barmaamijkan oo qorshuhu yahay inuu socdo muddo saddex bilood ah, kaas oo bilowgiiba lagu martiqaaday cid kastoo haysa ama leh muhibo aanay la wadaagin dadka kale oo xiise badan, waxa markiiba iska diiwaangeliyey in ka badan laba boqol qof iyo kooxo soo dalbaday inay ka qaybgalaan, balse guddi garsoor ka garnaqa oo loo xulay kala shaandhayn ay ku sameeyeen laga soo reebay tiro boqol iyo waxyar ah, kuwaas oo ku tartamaya muhibooyinka kala duwan ee leeyihiin.
Bandhig-hibeedka Somaliland oo saddex habeen oo kala ah; Jimcaha, Sabtida iyo Axadda toddobaad kasta, waxa laba iyo toban (12) qaybood ama barmaamij oo ilaa hadda uu baahiyey telefishanka Qaranku, waxa ka qaybgalay dad fara badan oo isugu jira rag iyo dumar intooda badani dhallinyaro tahay oo ka kala yimi guud ahaan gobollada dalka Somaliland oo dhan, kuwaas oo madasha la yimi xirfado iyo fikrado ku salaysan ficillo ay jidh ahaan u sameeyeen, suugaan ku salaysan hal-abuurnimo gabayo ama heeso ah iyo ciyaaro ka mid ah kuwa hiddaha iyo dhaqanka.
Barmaamijka oo inta uu socday ilaa hadda laga dheehday inay shacabka ku dhex jiraan dad badan oo leh hibooyin iyo mufakirnimo Ilaahay siiyey oo dalka u soo kordhin kara wax-soo-saar haddii laga midho-dhaliyo horseedaya horumar fiican, isla markaana waxa ka soo baxay dhacdooyin si wayn soo jiitay bulshada oo reer Somaliland inay hore uga daawadaan telefishannada adduunka mooyee aan dadweynaha intooda badani u haysan inay jiraan xubno iyaga ka mid ah oo haya ama samayn kara hal-abuurnimo la mid ah amaba ka qurux badnaan kara kuwa ay shaashadaha caalamka ka soo baxa.
Haddaba, waa kuwee dhacdooyinka sida gaarka ah loo xiiseeyey barmaamijkan intii uu ilaa hadda socday?
“Qodobadii ugu saamaynta badnaa waxay ahaayeen waxyaabaha dadku hibooyinka gaarka u leeyihiin sida wax qofku samayn karo oo aanay dadka kale samayn karin, waxaanna ka mid ahaa wiil calooshiisa ragrogaya sida kubadda oo aan haddana waxba qabin, waxa ka mid ahaa nin inta uu sankiisa dun geliyo ka soo saaraya afkiisa, mid kale ayaa inta uu afkiisa geliyo tusaale ahaan shan xabo oo nac-nac ah oo uu mid mid u liqo kadibna biyo ka daba cabo, haddana shantii xababa soo celinaya iyagoo mid mid ah.
Waxa jira nin biro isku wada xidhan oo aan meel bannaan lahayn oo aad arkayso inay wada xadiid ah oo haddanna uu si fudud u wada kala saarayo. Nin kale ayaa garanaya lambarro qarsoon, tusaale ahaan, 18 furarka caagadaha biyaha ah oo uu mid walba siiyo lambar u gaar ah oo inta la isku walaaqo ama wada daro odhanaya mid ka mid ah ka taabta, kadibna garanaya oo sheegaya lambarkii furkaasi uu u sameeyey markii hore. Sidoo kale, nin baa jira codadka dadka koobiyeeya, waxa jira mid isagoo kelidii ah samaynaya majaajilooyin uu dadku ku qoslayo.” Sidaa waxa yidhi Cabdillaahi Aadan Cumar (Wayab) oo ah suxufi ruug-caddaa ah, kana mid ah shan xubnood Guddiga Garsoorka ee Barmaamijka Bandhig-hibeedka Somaliland ka kooban yihiin, kaas oo horena uga soo shaqeeyey arrinmahan oo kale muddo dheer oo uu ku soo jiray saxaafadda dhexdeeda, waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata intaa raaciyey, “Waxyaabaha xiisaha leh ee ka soo baxay barmaamijka waxa ka mid ah carruur aad u yaryar oo ciyaaraha dhaqanka si fiican u yaqaan sida laba gabdhood iyo laba wiil oo da’doodu kala 7 iyo 8 sanno jirro oo siday u boodayaan ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka la yaabay, waana arrin farxad leh oo dhiirigelin u ah da’yarta dalkeenna oo intooda badani aanay aqoon u lahayn arrimaha dadkeenna dhaqanka u ahaa.”
Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire) oo la-taliye ka ah barmaamijka bandhig-hibeedka, horena uga mid ahaa xubnaha guddiga garsoorka, ayaa ka hadlaya nidaamka ee loo maro dhexdhexaadinta tartanka iyo heerka caddaaladdiisa, waxaannu yidhi, “Caddaaladda Ilaahay baa hayee, annagu waxaannu u samaynay nidaam lagu kala qiimeeyo. Qaybtii hore ee barmaamijka wuxuu ahaa xulid qofku ma tartami karaan mise ma tartami karo ayey ahayd, waayo markay 150 qof ka soo qaybgaleen waxay noqotay sida ugu fudud ee lagu kala reebi karo.
Heerka labaad ee barmaamijka waxaannu u samaynay shuruudo lagu kala xulo tartamayaasha, oo barmaamijku wuxuu ka kooban yahay heeso, gabayo, ciyaaro iyo hibooyin qof leeyahay oo aanay cidi ku wehelisaa jirin, tusaale ahaan, heesaha waxaannu u samaynay ilaa sagaal shuruudood lagu qiimeeyo sida luuqda, erayada, codka, laxanka iyo dhaqdhaqaaqa, kuwaas oo mid walba darajadiisu 0-10 dhibcood oo xubnaha guddiga garsoorka qof kasta waxay la tahay ku qiimaynayaa, kadibna marka la isu-wada geeyo ayaa tirada soo baxda ha noqoto lixdan ama siddeetan amaba wax kalee ay noqonaysaa darajada tartamuhu ku soo bixi karo ama ku hadhi karaa.”
“Sidoo kale, marka tirada dadku sii yaraataba tartankuna wuu sii adkaan doonaa oo waxyaabo badan oo kale ayaa la eegi doonaa. Markaa kolay dad baa odhanaya anigu waan hagaagsanaa ee maxaa la ii reebay? Cabasho la waayimaayo oo gari laba nin kama wada qosliso, laakiin waxaannu ku dadaalaynaa in aannu ilaalino caddaaladda,” ayuu yidhi Cabdillaahi Geeljire.
Maareeyaha Telefishanka Qaranka Somaliland Mr. Khadar Cali Gaas, ayaa ka hadlay sababta ay barmaamijkan u soo kordhiyeen iyo muhiimada uu leeyahay, waxaannu yidhi, “Barmaamijkan waxaannu ugu talogalnay inuu ka mid noqdo barmaamijyada lagu dhiirigelinayo dhallinyarada, iyadoo la soo bandhigayo hibooyinka kala duwan iyo waxyaabaha gaarka u ah qof waliba ee uu yaqaanno, si qof kastoo reer Somaliland ahi wixii ku jira ee fikir iyo hibo ah ee meelo uu ku soo bandhigo uu waayey uu la yimaado oo laga arko. Markaa waa barmaamij fursad u siinaya dadka ay ku jiraan muhibooyinka u gaarka ahi inay ku soo bandhigaan, shacabkana waxay u noqonaysaa madadaalo ay daawadaan waxyaabo dadkoodu hal-abuurayaan, halkii aannu telefishan ahaan uga sii dayn lahayn filimo aan ka turjumayn dhaqankeenna iyo diinteenna toona. Sidoo kalena waxa uu keenayaa is-dhexgal bulshadu isku barato oo kuwa gobollada ka kala imanaya is bartaan oo la ogaado qofka hal-abuurnimada leh ee marka hore cidlada la joogay.”
Waxa kaloo Maareeye Gaas tilmaamay in ka qaybgalaasha barmaamij oo ka batay ku-talogalkii hore iyo xiisaha loo qabo daawashadiisu ay keentay in baahintiisu badato oo uu gaadho barmaamijyada qaarkood socdaan ilaa shan saacadood ah habeenna qaarkood, halkii waqti ilaa saacad keliya ah qorshihiisu ahaa.
“Waxa ilaa hadda baxay 12 barmaamij, waana kala badh oo qiyaastii intaa le’eg oo kale ayaa ka hadhay dhammaadkiisa bandhig-hibeedka Somaliland ee Tv-ga Qaranka. Waxaannuna tartankiisa ku bixinaynaa abaalmarin la siin doono saddexda qof ee ugu sarreeya ama hal-abuurnimadoodu ugu fiicnaato, iyadoo abaalmarintu noqon doonta mid ka caawisa qofku waxa uu hibada u leeyahay oo lacag iyo qalaba way noqonaysaa,” ayuu yidhi Khadar Cali Gaas.
Maareeye Gaas waxa uu xusay inay qorshaha ugu jirto mustaqbalka hirgelinta afar barmaamij oo saamayn ku yeesha bulshada oo baxa afarta xilli ee sannadka kasta, kuna jiraan barmaamijkan Bandhig-hibeedka iyo Kasmaal oo bisha Ramadaan la baahiyo, si daawadayaashu mar walba ugu xidhnaadaan waxyaabaha dadkoodu soo kordhinayaan.
Guud ahaan, barmaamijka Bandhig-hibeedka Somaliland ee Tv-ga Qaranka ayaa noqday mid saamayn ballaadhan ku yeeshay shacabka kala duwan oo xiise fara badan u haya, iyadoo goobaha dadweynuhu isugu yimaado sida hudheellada lagu arkayo dadka si wadajir ah u daawanaya barmaamijkan xilliyada uu ka socdo telefishanka Qaranka ama koox koox uga sheekaysanaya dhacdooyinkii soo jiitay indhahooda ee ay ka daawadeen, arrintaasi oo si aan la qiyaasi karin kor ugu qaaday daawashada telefishanka Qaranka.