Saacad Aad Talefankaaga Ku Mashquulsanaataa Waxa Ay Caddaynaysaa In Aad Nafsiyan U Xanuunsanayso

0
571

 Picture7Hargeysa (Geeska)- “Internet ka oo balwad laga dhigtaa waxa ay keetaa niyadxumo iyo diiqad” daraasado hore ayaa sidaa sheegay. Cilmibaadhis dhowaan natiijadeedu soo baxdayna waxa ay daahfurtay in qofka ooh al saac waqti ka badan maalin kasta talefankiisa gacanta ku qaataa in ay calaamad u tahay in uu qofkani nafsiyan u buko, gaar ahaan ay hayso niyad xumo iyo cadaadis nafsi ahi.

Cilmibaadhistan o ay samaysay jaamacadda North Western ee dalka Maraykanka ayaa lagu ogaaday in talefanka casriga ah ee gacanta (Smartphone), sida in qaybta farriimaha dib loo eego ama internet laga galaa in ay astaan u tahay in qofku uu dareemayo niyadjab iyo walbahaar ku qarsoon. Daraasadda oo arrintan dhinaca waqtiga ka eegaysa ayaa sheegtay in qofka oo 68 daqiiqo iyo ka badan ku mashquulsanaada talefanka gacantu ay muujinayso in xaaladdiisa nafsiga ahi aanay xasiloonayn.

Natiijada cilmibaadhistan ayaa suurtogelinaysa in khubaradu marka ay baadhayaan xaaladda nafsiga ah ee qofka ay si dhow isaga oo aan is ogeyn ula socdaan qaabka isticmaalkiisa ee talefanka gacanta, iyo qaybaha uu ka isticmaalayo iyaga oo aan wax su’aal ah weydiinna ay garan karaan xaaladdiisa nafsiga ah, gaar ahaan in isku-buuq iyo niyadxumo ku jirto.