Xukuumadda Somaliland, Ayaa Ku Eedaysay Dawladda Soomaaliya Inay Gobolka Sanaag Dagaal Ka Ridayso

0
164

Hargeysa(Geeska)- Xukuumadda Somaliland, ayaa  ku eedaysay dawladda itaalka daran ee Soomaaliya inay ka dambayso shaqaaqooyin iyo dilal ka dhacay gobolka Sanaag oo la iskaga hor keenayo bulshada deegaankaas ku wada dhaqan.

Sidaa waxa sheegay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) waxaanu caddeeyay in dawladda Muqdisho ay Axmed-karaash u xilsaartay inuu dagaal ka rido gobolka Sanaag, si loo carqaladeeyo doorashooyinka madaxtooyada iyo ururrada siyaasadda ee lagu wado inay dalka ka qabsoomaan 13ka November 2024ka.

“Waxaan Saxaafadda idiinku yeedhay inaan warbixin idinka siiyo shaqaaqooyin ka dhacay gobolka Sanaag, taasi oo aad ogtihiin indhaweydba in cadowga Somaliland ku hadaaqayay inay carqalad geliyaan nabadgelyada gobolka Sanaag, iyagoo duullaan ku ah oo ka hortagaya wax kasta oo u soo kordhaya Jamhuuriyadda Somaliland. Sidaas la socotaan JSL waxa ay u jihaysatay  in la qabto doorashooyinkii isku sidkanaa ee madaxtooyada iyo ururrada siyaasadda, taas oo madaxweynuhu caddeeyay inuu wakhtigeedii ku qaban doono”ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Warfaafintu.

Agaasimaha oo wuxuu sharraxaad ka bixiyay dilal ka dhacay gobolka Sanaag oo ay dawladda Muqdisho ka dambaysay, waxaanu yidhi “Si looga hortago doorashooyinkeenna waxa maamulka Muqdisho ee Xasan Sheekh  ku talo-galay in laga rido dagal gobolka Sanaag waxayna u xil saareen Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Puntland Axmed Karaash oo muddooyinkii dambe  ka soo hanjabayay meelo ka mid ah gobolllada Sanaag iyo Sool. Iyadoo

Salaasadii doraad uu sheegayay inuu dhawaan ku cibaadaysan doono gobolka Sanaag. Hadalkiisii kadibna waxa  dhacay in deegaanka Dabo-gelis ama aasaska oo ka tirsan deegaanka Sool-geriyo ee degmada Goof ee gobolka Sanaag lagu dilay nin ka mid ah dadka deegaankaas u dhashay oo la odhan jiray marxuum- Geelle Cige Dawan, waxana ay kaxaysteen 150 Halaad. Sidoo kale isla doraad gelinkii dambe waxa  niman watay Tikniko oo ka amar qaata Axmed Karaash, kana mid ahaa ilaaladiisii ay dileen 4 nin oo kale oo watay laba baabuur oo Probox ah oo ay doonayeen inay ku soo qaadaan meydka ninkii la dilay. Sidaas darteed, waxa shalay la dilay shan qof oo ay dileen Axmed Karaash iyo rag isaga ka amar qaataa,”ayuu yidhi Agaasime Mustafe Shiine. Waxaanu intaas ku daray “Saaka (Shalay) waxa dhallinyaro gadoodsan oo ka mid ah eheladii raggii doraad la laayay ay Ceerigaabo ku dileen nin, taasi oo xaaladda uga sii daraysa. Deegaanka Goof ee wax lagu dilay waxa ay Ceerigaabo dhinaca bari ka xigtaa 80km. sidaas darteed, xukuumadda Somaliland waxa ka go’an ilaalinta nabada iyo xasiloonida, iyadoo sidoo kale difaacaysa muwaadiniinta reer Somaliland ee lagu soo duullay.”

“Axmed Karaash wuxuu hadda ku sugan yahay Buuhoodle oo uu weydiistay saanad, saanad iyo ciidan uu ku qabsado Ceerigaabo, Xukuumadda Somaliland iyo shacbiga gobolka Sanaagna waxa ka go’an difaaca deegaankooda,”ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Warfaafintu.

Agaasime Mustafe Shiine wuxuu ugu baaqay shacbiga reer Ceerigaabo inay is xakameeyaan oo ay ilaaliyaan nabadgelyada iyo wadajirka bulshada gobolka Sanaag.

Waxa kaloo uu sheegay in xukuumadda Somaliland ay ka go’an tahay inay wada jir u fuliso difaaca dalka iyo qabashada dorashooyinka oo ah laba isku lifaaqan.