Runta Ma Fanta: Somaliland, Madaxweyne Cigaal ka dib?Adam Muse Jibril

0
257

 

 

Qorshaha Dhaqaale-Siyaasadeed ee muddada dheer waxaa la yidhaahda qorshe Istratiji ah, wuxuna ka soo baxaa dadka dhacdooyinka ku eega aragti calaami ah ee aan ku eegin indho maxali ah oo keliya. Aragtida heerkaas ahi waxay iftiimsa arrimaha ka shisheeya kuwa sida tooska ah u muuqda. Madaxweyne Cigaal waxuu ka mid ahaa dadka sida caalamiga ah u fekera, sidaas darteed waxuu awooday in uu Somaliland u dhigo qorshe mudada dheer ku salaysan (Strategic Plan).

Qorshaha Madaxweyne Cigaal dalka u jeexay, oo runtii Madaxweyne Rayaale na aanu gabin wuxuu ku bilaabmy sidan: Qorshe aan malin la nool ahayn ee waqtiga dheer ku salaysan, oo ah Dhismaha dawladnimada Somaliland, oo qaab dhismeedkiisana la sii habayey hirgelintiisa. Laga bilaabo hub-ururinti iyo samaynti ciidamo qaran ila iyo dimoqoraadiyada xisbiyada badan, taas oo loogaga gudbay marxaladii shir-beeleedka. Halkan waxa xusid mudan in markii Cigaal soo jeediyey arrinta furista ururrada siyaasadeed oo gogol-xaadh u ahaa samaynta xisbiyada, sidii looga horyimi ee loo yidhi ‘’Waa Shaadh uu tolanayaa’’.

Qaabkan dawlad dhiska, nabada iyo dimoqaraadiyadu waxay Somaliland gaadhsiiyeen heerka dammaystirka shuruudii dawladnimo ee Montevideo Convention1933. Taas oo Caalamku kula dhaqmo ciddii buuxisa heerka aqoonsiga aan rasmiga ahayn (De-facto Recognition) hase yeeshe qiraya dawld ahaanta dalka buuxiya shurudaas.

Dhinaca xidhiidhka dibedda, Madaxweyne Cigaal waxuu markiiba bilaabay in uu xidhiidh la samayeeyo mid ka mid ah dawladaha ku jira Golaha Ammaanka, oo ayagu dunida ka taliya. Tallaabadii uu Sharikada  Caalamiga ah ee Total ku siiyey maamaulka Haamaha Kaydka Berbera, asaga oo ka tallaabsaday danaha gaarka ah ee maxalliga ah ayaa waxay ahayd tallabo Istiratiji ah. Ujeeddadiisu waxay ahayd in dawlad weyn oo Golaha Amaanga ku jirta uu Somaliland dhabarka u saaro (Strategic Partnership) maha oo keliya aqoonsi ka doon, ee waxay ka ahayd belayo-xijaab haddii dibedda duulaan kaaga yimaado.

Ka qaadistii Total lagala noqday heshiiskii oo dhacday mar gacanta sare ay yeeshiin siyaasadaha  maxaliga ee danaha gaarka ku salaysani. Taas oo ahayd dhabar-jib weyn oo ku dhacay Qorshihii Istratijiyadeed ee dalku ku socday.

Waxa kale oo xusid mudan, Markii xilligii Madaxweyne Rayaale laga shaqeeyey in dano la isdhaafsado dawlad Golaha Amaanka ku jirta oo Dekedda Berbera maamulkeeda iyo horumarinteeda loo dhiibo Sharikadii France Bolore Logistics, waa tii dano gaar ahi fashiliyeen. Taas oo ahayd hantaaqadii labaad ee ku dhacday Somaliland.

Soo jiidistii xadhigga badda hoos mara oo ay ahayd in toos Berbera loogu soo xidho, kaas oo dhamaystir ku dhowaa ayaa Joojintiisii waxay ahayd hantaqo Istiratiiji ah oo mar kale ku dhacday dedaalkii loogu jirey madaxbanaanidii Somaliland. Isugeynta arrimahan ku dhacay qorshihii Istratijiga ahaa oo Madaxweyne Cigaal u dhigay dalka waxaa si cad u muuqanaysa dhibu-gurashada iyo hoobadka ku dhacay geedi socodkii siyaasadeed ee Somaliland  ee xawligiisu ka soo bilaabmay 2010kii. Haddaba, Sua’aasha xaqa ah ee maanta taagani waxay tahay, maxaa Madaxweyne Muse Biixi hadda la gudboon?. La soco. Adamjibril47@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.