Rugta Ganacsiga Oo U Digtay Shakhsi Magaceeda Ku Qadhaabsada

0
517

Picture5Hargeysa(Geeska)-Rugta ganacsiga Somaliland ayaa u digtay shakhsi magaca rugta ganacsiga lacago kaga urursada qaar ka mid ah ganacsatada wadanka qaarkood.

Guddoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland Md. Maxamed Shukri Jaamac, ayaa warsaxaafadeed uu shalay soo saaray wuxuu si adag ugu digay cid kasta oo isku dayda inay ku qadhaabato magaca rugta ganacsiga. Warsaxafadeedka ayaa wuxuu u qornaa sidan: “1. Rugta Ganacasigu waxay uga digeysaa cidkasta oo isku dayda in ay ku gabraarato magaceeda ama isku dayda in ay qaadato waajibaadkeeda (Mandate).

2. Rugta Ganacsigy waxay ogeysiineysaa Ganacasatada Somaliland, Hay’adaha Madaxa banaan iyo ku wa Caalamiga ahba in aaney jirin cid ka socota Rugta Ganacsiga oo u xilsaaran diyaarinta Diiwaanka Ganacsiga (trade directory) ee 2015

Cidkasta oo isku dayda iney sifo aan sharci ahayn ganacsatada lacag kaga urursato iyda oo ku beena abuuraneysa magaca Rugta waxa la horgeyndoonaa Hay’adaha Sharciga ee dalka.

Gabogebadii waxaan uga digeynaa dhalinyarada isku daygan xaaraanta ah ku foogan iney ka waantoobaan.”