Hargeysa(Geeska)-Beelweynta Ciidagale ayaa shalay hadhimo-sharafeed soo dhawayn ah u sameeyay guddoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga Waddani Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde.
Hadhimo-sharafeedkaas oo ka qabsoontay hoteelka Ambassador ee magaalada Hargeysa, waxa isna ka qayb galay murashaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo bulsho kale oo ka soo kala jeeda degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Axmed-dhagax ee magaalada Hargeysa, kuwaas oo isugu jiray siyaasiyiin, madaxdhaqameed, ganacsato, dhallinyaro iyo dadweyne kale.
Ugu horayn waxa halkaas ka hadlay Caaqil Rashiid Jaambiir oo ka mid ah cuqaasha soo jireenka ah ee magaalada Hargeysa oo sheegay in bulshada Ciidagale ay iyagoo qalbi furan ku soo dhawaynaya guddoomiyenimada Cabdiqaadir Jirde ay go’aansadeen inay u sameeyaan soo dhawayntii u horaysay si ay ugu muujiyaan taageero siyaasadeed.
Suldaan Cadde-gude, Boqor Raabi, Ismaaciil Buubaa, Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa, Dr. Xuseen-Xoog, Aadan-dhoolayare iyo wax garad kale oo halkaas hadalo ka jeediyay ayaa sheegay inay hiil iyo hoo la garab taaganyihiin xilka Cabdiqaadir Jirde iyo xisbiga Waddani, waxaanay sheegeen inay soo dhawaynayaan islamarkaana ay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan si xisbiga Waddani ugu guulaysto doorashada madaxtooyada.
Cabdi Haybe, Eng. Aadan-dheere, Caaqil Khadar Bacood, Kayd Maxamed, Xuseen Axmed Caydiid, Maxmed Xuseen Foodyare, Faarax Aadan-dhakhtar oo iyaguna halkaas hadalo kooban ka jeediyay ayaa beesha Ciidagale uga mahadceliyay kulanka soo dhawaynta ah ee ay u sameeyeen Guddoomiye Cabdiqaadir Jirde, waxaanay balan qaadeen in bulshada ay ka soo jeedaan ee Arab ay codka siin doonaan xisbiga Waddani maadaama oo uu Murashax Cirro kursigii guddoomiyenimo ee xisbiga uga kacay xildhibaan Cabdiqaadir Jirde.
Dhammaan dadka madasha ka hadlay ayaa murashaxa xisbiga Waddani Md. Cirro ku bogaadiyay talaabada uu kaga degay kursiga guddoomiyenimo ee xisbigaas oo ay ku tilmaameen inay muujinayso bisayl siyaasadeed oo guul u horseedi kara xisbiga Waddani.
Guddoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga Waddani xildhibaan Cabdiqaadir oo isna halkaas hadal ka jeediyay ayaa uga mahadceliyay bulshada casuumada u samaysay, waxaanu sheegay in kulanka shalay uu ku abuuray dareen gaar ah oo gacaltooyo, “Aniga awoow ayaa la ii yahay, waxaanan codsanayaa in ducadii awoownimo la I raaciyo, la iiguna duceeyo in xilka Alle igu asturo.” ayuu yidhi Jirde oo balan qaaday inuu xisbiga Waddani ku hoggaamin doono siyaasad furfuran oo soo jiidasho iyo barnaamij siyaasadeed leh.
Murashaxa xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan-Cirro ayaa ugu dambayn soo gunaanaday hadhimo-sharafeedkaas, waxaanu dadkii kulanka ka qayb galay ku dhiirigeliyay inay sii laban laabaan dedaalka ay ugu jiraan sidii uu xisbiga Waddani doorashada ugu guulaysan lahaa, isagoo bulshada hadhimo-sharafeedka samaysay uga mahadceliyay kulankaas.