Burco(Geeska)-Taageerayaasha xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa awood ku galay Burco, kadib markii ay masuuliyiinta gobalkaasi ay ku amreen hay’adaha ammaanka in aanay soo galin gudaha Burco hoggaanka xisbiga Ucid.
Badhasaabka,maayarka iyo taliyaha gobalka Togdheer ayaa iska hortaagay musharaxa iyo ku xigeenkiisa xisbiga mucaaradka ah ee Ucid galitaanka Burco, waxaana isku daygaas ka dhigay mid aan suurto galin taageerayaasha xisbiga Ucid oo xoog ku jiidhay booliskii joojinta waftigaas loogu talo galay oo ku sugnaa hudheelka Cigeel ee duleedka Burco.
Hogaanka xisbiga Ucid iyo taageerayaal tiro badan ayaa ku soo wareegay guud ahaan wadooyinka muhiimka ah ee Burco,waxaanay intaas kadib isugu biyo shubteen xafiiska guud ee xisbiga Ucid uu ku leeyahay Burco.
Musharaxa madaxweyne ee xisbga Ucid Jamaal Cali Xuseen iyo ku xigeenkiisa Cabdirashiid Xasan Mataan, ayaa isku daygaas ku tilmaamay mid laga xumaado, waxaanay xukuumadda ku dhaliileen in gobaladii dalka baasaboor loo kala qaadnaayo.
Musharax Jamaal Cali Xuseen oo barxada hore ee xafiiska xisbiga Ucid kula hadlaayay taageerayasha xisbigaas waxa uu yidhi “Waxay damceen badhasaabkii iyo ciidamadiiba inay nagu joojiyaan hudheelka Cigaal oo Burco duleedkeeda ku yaala,goormay noqotay in Somaliland baasabooro loo kala qaato oo fiisayaal loo kala goosto, oo dadka lagu yidhaahdo magaaladiinii tagi maysaan, soo booqan maysaan xafiisyadiinii. tani waxay la mid tahay oo ay Reer Burco ka diideen wixii Xilka lahaa ee ay Xukuumaddu nagaga samaysay Kaantaroolka Caabudla’ ee Gobolka Gabiley. Reer Burco tiibay diideen oo Jabiyeen, waanay ku mahadsanyihiin”
Waa markii labaad ee xukuumadda madaxweyne Axmed Siilanayo ay gobalada dalka ka hor istaagto xisbiga mucaaradka ah ee Ucid oo inta badan dhaliilo xoogan warbaahinta u mariya.