Hargeysa(Geeska)-Dadweynaha ku dhaqan Magaaladda Berbera ayaa shalay barqadii isugu soo baxay Mudaharaad xoog badan oo ay kaga soo horjeedaan Warshadii Laydhka siin jirtay Magaalada oo lagu wareejiyay shakhsiyaad gaar ah iyo ganacsato.
Dadkan isugu soo baxay mudaharaadka oo ku dhawaaqaya erayo ka dhan ah xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa sheegay inaanay aqbali doonin wareejitna wershadaas. Dadweynaha mudaharaadayay ayaa taayiro ku gubay xarunta wershadda korontada Berbera horteeda iyo xarunta dawladda hoose horteeda.
Dadweyne mudaharaadkaas ka hadlay oo rag iyo dumar isugu jiray ayaa hadalo ay saxaafadda siiyeen waxay ku sheegeen inaanay aqbali doonin in ganacsato iyo dad gaar ah lagu wareejiyo wershadii korontada ee magaalada Berbera, waxaanay Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqeen inay shacabka u cadaaalad samayso.
Ma jirto cid ay dhibaato ka soo gaadhay mudaharaadkaas, waxase shalay magaalada Berbera si weyn looga dareemay dibad-baxaas.
Badhasaabka gobalka Saaxil oo saxaafadda la hadlay ayaa dadweynaha ugu baaqay inay is dejiyaan oo ay nabadgelyada ilaaliyaan. Sidoo kale taliyaha booliska gobalka Saaxil ayaa isaguna sheegay inaanay Boolisku dhibaato u gaysan dadweynihii mudaharaadayay balse aanay dadku booliska tixgelin.
Xukuumadda ayaa hay’adaha korontada Hargeysa iyo Berbera waxa ay ku wareejisay ganacsato gaar ah oo yeelan doona qaybta u badan, waxaana wareejitna wershadahan xukuumadda kaga soo noqday dareeno mucaaradeed oo ay shacabku kaga jawaabeen.