Raysalwasaare Oohin Xejisan Waayey Mar La Weydiiyey Dareenkiisa Qaraxii Masaajidka Nebiga (Scw) Ee Maddiina

0
688

1Ribaat (Geeska)- Raysalwasaaraha dalka Marooko Cabdal-Ilaah Bin Keyraan ayaa qaraxii dhowaan lala beegsaday meel ku dhow xaramka nebiga (SCW) ee magaalada Barakaysan ee Maddiina ku tilmaamay fal waalli ah. talefan uu raysalwasaare Keyraan u soo diray talefishanka Al-Carabiya ee uu Geeska Afrika warkan ka soo xigtay ayaa uu ku yidhi, “In badan ayaa aan ka waab-waabtay in aan talefankan idiin soo diro, waayo waxa aan ka baqayba in aan waayo ereyo u qalma in aan ku cabbiro calool xumada iyo diidmada falkaas waallida ah. raysalwasaare Keyraan ayaa marka uu hadlayey codka iyo naqaskuba marar badan ku xidhmeen oohin darteed, isaga oo sida uu sheegay ka calool xun n bil Ramadaan la beegsado xaramka Nebiga (SCW), aakhirkiina oohin caddaan ah ayaa uu xejisan kari waayey isaga oo weli hawada ku jira.

Raysalwasaaraha oo la weydiiyey bal in uu ka warramo dareenkiisu sida uu noqday markii uu maqlay in dad diinta Islaamka ku abtirsanayaa ay haddana qarax la beegsadeen Xaramka Nebiga waxa uu mar kale bilaabay oohin cod dheer ah isaga oo leh ereyo ay ka mid yihiin “Laa Ilaaha Illallaah”