Raysalwasaare David Cameron Oo Bahdil Ku Sameeyay Madaxweynaha Cusub Ee Kenya

0
573

Picture3London(Geeska)-Qaar ka mid ah shabakadaha wararka ee dalka Kenya, ayaa baahiyay talaabo bahdil ah oo uu Madaxweynaha Kenya Mr. Uhurru Kenyata, kala kulmay Raysalwasaaraha Ingiriiska David Cameron.

Dawladda Ingiriiska ayaa hoggaamiyaha cusub ee Kenya ku casuuntay inuu ka qayb galo shirkii Salaasadii loo qabtay dawladda Somaliya, waxaanu Madaxweynaha Kenya kulan la yeeshay Raysalwasaare David Cameron iyo xoghayaha arrimaha dibadda William Hague, laakiin waxa ay warbaahintu sheegtay in Raysalwasaaraha Ingiriiska iyo madaxda kale ee dawladiisu ay diideen inay sawir la galaan Madaxweynaha Kenya, mar haddii ay raadinayso maxkamadda dambiyada dagaalka oo ku soo oogtay dacwad la xidhiidha inuu sannadkii 2007 masuul ka ahaa tacaadiyo ka dhan ah bini-aadminimada oo lagula kacay dad Kenya u dhashay. Waxaanay shabakadahan Kenyanki ah baahiyeen in Madaxweyne Uhurru Kenyata uu ka damqaday bahdilkaas diblomaasiyadeed.

Geesta kale afhayeen u hadlay xafiiska David Cameron, ayaa saxaafadda u sheegay in kulanku dhacay Salaasdii doraad, waxase uu cadeeyay inaanu kulanku ka dhicin xafiiska Raysalwasaaraha balse ay ku kulmeen shirkii loo qabtay dawladda Somaliya oo uu Uhurru Kenyatana joogay, waxaanu masuulkani sheegay inaanu kulankaasi ahayn mid toos ah.

Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa tilmaamaya in kulankan bilaa sawirka ah ee aan weliba ku qabsoomin xafiiska David Cameron, uu muujinayo inay dawladda UK hirgelinayso siyaasadda ay dawladaha midowga Yurub wada qaateen ee ah inay xidhiidho muhiim ah oo keliya la yeeshaan Madaxweynaha Kenya iyo cid kasta oo ay dacwadi kaga socoto maxkamaddaas caalamiga ah.