“Rayiga Dadka Awood Laguma Cabudhin Karo” Jaamac Shabeel

0
820

 

Hargeysa (Geeska)-Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel), ayaa Xukuumadda ugu baaqay in aanay isku dayin inay dadka cabudhiso, waxaanu xusay in aan waxba lagu qaadin karin cabudhin iyo awood dadka loo adeegsado, xilli shalay la geeyey Ciidamo xarunta Xisbiga Waddani ee Magaalada Hargeysa.

Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale soo jeediyey in la dhawro sharciga dalka u yaala, waxaanu ugu horeyn yidhi “Dadku waxay xaq Dastuuriya u leeyihiin inay rayigooda cabiraan, oo soo bandhigaan, rayiga dadka awood laguma cabudhin karo, Taageerayaasha Axsaabtana sharciyana awood ciidan iyo hub looma adeegsan karo, markaas in mar walba waxaan leeyahay Ciidanka kala duwan ee dalka waxaan leeyahay ka deg degina, ee taxadir aad u badan muujiya, dadkana waxaan leeyahay meel kasta oo aad joogtaan nabadgalyada ilaaliya, oo rayigiina iyo fikirkiina si salmiya u muujiya”

Mar uu ka hadlaayey Sharciga dalka ayaa yidhi “in Sharciga dalka u yaala la iska indho tiro, oo sida doono laga yaalo wax suurtagal ah maaha, ee Xukuumaddu sharciga ha ilaaliso, wax soconayana maaha sidaan doono ayaan yeelaya”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here