Hargeysa(Geeska)-Roobabka gu’ga ayaa si rasmi ah uga curtay deegaano badan oo ka tirsan gobalada Maroodi-jeex iyo Hawd, waxaanay dadka deegaanadani shalay ku qabowsadeen raxmada Alle ee ku hoortay.
Roobka ayaa gelinkii dambe ee shalay ilaa xalay cawayskii si wanaagsan u maasheeyay magaalada Hargeysa iyo hareeraheeda, waxaanay dadweynaha reer Hargeysa oo aad u faraxsani u soo baxeen banaanka iyagoo isu dhigayay dhibicda koowaad ee raxmada Alle oo la wada sugayay.
Deegaanka Banka Qoolcaday ee degmada Salaxlay, ayuu roob xoogani sidoo kale shalay ku hooray, kaas oo qaboojiyay dadka iyo duunyada sugayay naxariista Alle.
Sidoo kale waxa uu roobku si wanaagsan u biyo dhigay deegaanada gobalka Hawd oo ay abaari ka jirtay. Magaalooyinka Baligubadle, Gumburaha, Gumar, Banka iyo deegaanada ku teedsan ayuu roobku ku hooray shalay gelinkii dambe, waxaanay dadkii iyo duunyadii deegaanadaas ku sugnaa ee abaarta la ildarnaa ku nasteen naxariista Alle ugu deeqay.
Sidoo kale waxay roobku shalay aad u maasheeyeen gobalka Awdal oo uu isaga maalmo ka hor ka curtay. Sidoo kale gobalka Saaxil ayuu isna gu’gu maalmo ka hor ka curtay.
Somaliland, waxa sannadkan ka dhacday abaartii ugu xumayd, waxaana abaartani ay sababtay inay u geeriyoodeen dad xoolo dhaqato ah oo ku nool gobalka Awdal, iyadoo ay deegaano badan oo ka tirsan Somaliland-na ku madheen xoolo tiro badani.