Qurbe-joog Soo Indho-indheeyay Mashruuca Biyo Balaadhinta Ee Caasimadda

0
671

Hargeysa (Geeska) Xubno ka mid ah qorba-joogga Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa 27/August/ 2016 safar qiimayn ah ku tegay degaanka Daarsasalaam ee Geed-deeble iyo Biyo-shiinaha ee waqooyiga Hargeysa si ay ugu kuurgalaan habsami-u-socodka mashruuca biyo-ballaadhinta Hargeysa.

2

Qurba-joogga kala socday dalalka Qaaradda Yurub, Waqooyiga Ameerika iyo Bariga Dhexe, waxa safarkooda maalintii Sabtida ku wehelinayey Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Ibraahin Siyaad Yoosin, Madaxa Mashruuca ee UN-HABITAT Mr. Maxamed Faarax iyo mas’uuliyiin kale, kuwaasoo kormeeray goobaha kala duwan ee uu ka socdo mashruuca biyo-ballaadhinta ah.

Weftigan oo safarkooda ka bilaabay Berkadda Kaydka Biyaha Hargeysa, waxa xubnaha qurba-joogga ah warbixin kooban siiyey Mareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Ibraahin Siyaad Yoosin, waxaannu yidhi; “Halkan aynu iminka joognaa waa  Berkadda Kaydka Biyaha Hargeysa oo meesha ay ku taal joogeedu la siman yahay xaafadda Masallaha ee Koonfurta Hargeysa, inta kale ee magaaladuna ka hooseeyo, taas macnaheedu waxa weeye in ay magaalada biyuhu si siman iyo ballaadhanba u wada gaadhi karaan marka la helo biyo ku filan.”

Waxa kale oo weftiga qurba-joogga ah  kormeereen goobaha uu ka socda beebka weyn ee loogu talogalay inuu biyaha gaadhsiiyo dadweynaha Caasimadda, iyadoo beebku hadda marayo degaanka Sheedaha, halkaas oo aanay u haysan qurba-jooggu in aannu soo gelin magaalada dhuunta cusub ee biyaha ka soo qaadaysa waaxaha biyo soo-saarka ee deegaanka Geed-deeble.

Weftiga uu hoggaaminayo Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Ibraahin Siyaad Yoonis waxay intii aanay u amba-bixin xarumaha biyo-soo-saarka sii mareen xarunta lagu kaydiyo qalabka cusub ee loogu talogalay biyo-ballaadhinta caasimadda Hargeysa ee degaanka Xeedho.

Xubnaha qurba-joogga ah iyo masuuliyiinta wehelinayey, ayaa kormeerkooda ku xarunta biyo-soo-saarka ee Biyo-Shiinaha iyo Berkadda cusub ee loogu talogalay inay kulmiso 15 ceel biyahood oo laga dhisayo meel 500m beri ka xigta xaruntii hore Geed-deeble oo ay ka socoto dhismaheedu, taasi oo la socota mashruuca biyo-ballaadhinta Hargeysa, waxayna xubnaha qurba-joogga reer Somaliland ay fursad u heleen inay su’aallo weydiiyaan Maareeyaha Wakaaladda Biyaha, iyagoo weydiiyey arrimo la xidhiidha habsami-u-socodka mashruuca biyo-ballaadhinta, halka Maareeyuhuna uga jawaabay waxyaabihii ay ka weydiiyeen, kadibna waxay u dhaafeen saddexda ceel ee ku yaal deegaannada Horo-haadley.

“Ceelkan aynu dul joognaa waxa uu ka mid yahay saddexdan ceel oo ku yaal degaanka Horo-haadley. Haddaba, goobahan markii biyo laga helay, waxa  bulshada reer Hargeysa ugu tabarucay qoysaska lahaa dhulka biyaha lagab helay oo qurba-joogga ka mid ah oo iminka la socda, waxay kala yihiin; Mawliid Cilmi Yoonis iyo Cabdillaahi Xaaji Axmed Ismaaciil,” ayuu yidhi Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Ibraahim Siyaad Yoonis.

Gebagebad, weftiga qurba-joogga waxa munaasibad hadhimo-sharafeed loogu sameeyey geedihii uu caanka ku ahaa deegaanka Geed-deeble, kadib markii ay dhammeysteen qadada, waxa halkaas ka hadlay Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Ibraahin Siyaad Yoonis oo ka warramay u jeedada ay qurba-joogga ugu martiqaadeen inay wax ka ogaadaan hannaanka uu u socdo mashruuca biyo ballaadhinta Hargeysa.

Mareeye Ibraahim Siyaad waxa uu xusay in marshuuracan yahay kii ugu ballaadhnaa ee ay hesho Wakaaladda Biyaha Hargeysa oo u socda sidii loogu talogalay, isla markaana, maadaama, qurba-joogga ay dalka dibediisa joogan ay muhiim noqotay inay indhahooda ku soo arkaan mid ka mid mashaariicda horumarineed ee ka socda dalka Somaliland, isaga oo ku dhiirrigaliyey inay ka qaybqaataan mashaariicaha horumarineed ee dalka.

Guddoomiyaha Wakaaladda qurba-jooga Somaliland Mr. Cabdi Cabdillaahi Xirsi oo halkaasi ka hadlay, ayaa Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa uga mahad-celiyey marti-qaadka loo fidiyey xubnaha qurba-jooga ah, isagoo sidoo kale ammaanay qaabka degdeg ah ee loo wado mashruuca biyo-ballaadhinta caasimadda Hargeysa.

“Runtii xaqiiqtan wax weyn baa iska kaybeddelay fikirkii aan ka heystay mashruuca biyo-ballaadhinta Hargeysa. Waxa aanu indhohayaga ku soo aragnay horumar ballaadhan oo laga sameeyey biyo ballaadhinta waxaanu ogaanay inaanay waxba ka jirin wararka been-abuur ka ah ee dadka qaarkooda ka sheegaan marshruucan, waxa kale oo aannu aragnay xaqiiqda dhabta ahayd waxaan bulshada ugu bushaaraynayaa inay in ka haqab beeli doonaan biyaha, waxaan leeyahay labada gacmood ayaad ku maydhan doontaan, haddii Ilaahay yidhaah,” ayuu yidhi Mr. Cabdi Cabdillaahi Xirsi.

Waxa kale oo halkaas hadalo ka jeediyey qaar ka mid ah qurba-joogga kormeerka sameeyey, kuwaasoo  si weyn ugu bogaadiyey Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa ee uu ugu soo dhaweeyey Mashruucan biyo-ballaadhinta, waxanay xuseen in weyn iska beddelleen aragtidii  ay ka hayseen mashruucan oo ay ku tilmaameen inuu yahay mid guulaystay, waxayna bulshada caasimadda ugu bushaareeyeen in laga bixi doono baahadiii dhinaca biyaha, iyagoo qaybaha kala duwan ee bulshada reer Somaliland dalka gudihiisa iyo dibadiisaba ugu baaqay inay taageeraan mashruuca biyo-ballaadhinta caasimadda Hargeysa.