Qaybta Labaad Ee Waraysiga Dr. Gabose

0
691

Hargeysa, (Geeska)- Akhristayaal cadadkii shalay ee Wargeyska Geeska Afrika, waxaanu idiinku soo gudbinay qaybtii hore ee waraysi dhinacyo badan oo aanu la yeelanay Dr. Maxamed Cabdi Gabose, oo ah guddoomiyaha urur syaasadeedka UMADDA. Qaybtan labaadna wuxuu kaga hadlayaa arrimo kala duwgaboosean oo ay ka mid yihiin in la samaysto ururo diimeed,, aragtidiisa ururo siyaasadeed oo dhawr ah oo ay furteen siyaasiyiin ka tirsan beesha uu ka soo jeedo iyo weliba arrimo kale. Waxaanay qaybta labaad u dhacday sidan:

 Gudoomiye, maxaa sababay khilaaf xilligaad wasiirka Arrimaha Gudaha idin dhexmaray Badhasaab-xigeenkii hore ee Togdheer Mr. Guuled,? Madaxweynaha JSL soo dhexgalkiisa, miyaana loo fasiran Karin inaad xilkaagii ka soo bixi weyday?

Horta Guuleed Daahir Samatar, Badhasaab xigeenkii hore ee G. Togdheer,  waa nin aan saaxiibo nahay, oo maanta dadka reer Somaliland kuwa isugu dhow aan nahay, oo halgankayga iyo himiladayda qeyb weyn ku leh. Bani’aadamku wax wuu isku qaban karaa, laakiin is-qabadkayagu xidhiidh kuma lahayd arrimo hore u dhacay sida doorashooyinkii iyo kaambaynadii. Dhacdo ku saabsan in  gaadiidkii masuuliyiintii la bedelay soo wareejiyaan ayey ku saabsanayd, xumaana nooma horeyn, midna nooma dhexeyn, imikana kuwa dadka isugu dhow ayaan nahay. Dhinaca soo dhexgalkii Madaxweynaha JSL, aniga horta, masuuliyadaydu waxay ahayd qaranka, oo gawaadhida la soo xereynayey hadaanan ka I xiga ka soo xereyn kari waayo, dee ka kalena shisheeye maaha, ee waa inaan u daayaa. Masuuliyada qaran ee aan gudanayey waxay ahayd inaan isku si ula dhaqmo, Madaxweynaha JSL nama soo dhexgelin. Hadii Madaxweynaha JSL gaadhi  siiyey, dad badan baa la siin karaa, madax-dhaqameedka waa la siin karaa, dad xil ka degay, waa aaabahiii ummada, ee khilaaf annaga noo dhexeeyey ama iska daa nooma soo dhexgelin. Madaxweynahu wuu  arkayey inaan masuuliyad qaran gudanayey, Guuleed laftiisu sidaa ayuu u arkayey.

Gudoomiye, Maxamed Xaashi, wasiirka Maaliyadda, markaad xilka wasiirnimo ka tagtay waxa la sheegaa inaad u soo jeedisay inaad israacdaan, maxaa ka jira? Sidoo kale, saadaashaada,  maadama, waxa ay dhawaan isqabteen mid ka mid ah wasiirada, markaas  mustaqbalkiisa maamulkan sidaad u aragtaa?

Aniga iyo Maxamed xaashi wasaaradaha ugu waaweyn dalka ayaan joognay oo Madaxweynahaa nagu sharfay, hadaan anigu ka tegayna Madaxweynaha colaad kuma kala tegin, xumaan na dhexmartay kuma kala tegin, himilo uu igu ogaa oo fursadeedi timi ayaan ku tegay. Maxamed Xaashi wasaarad culus ayuu qaranka u hayaa, ilaahay waxaan uga baryayaa inuu ku guuleeyo, himiladiisa siyaasadeedna isagaa u madax banaana, kamaan wada hadlin inaan israacno, isagaana u daayey hamigiisa siyaasadeed. Ta  mustaqbalkiisa xukuumadan, inta ilaah uga qoray ayuu joogayaa, dhinaca khilaafka, hawsha ayaa leh in aragtiyaha lagu kala duwanaado, waa in qofka kaa sareeya si asluub leh ugu sheegto waxa khaldan. Anigu uma haysto inuu khilaaf jiro, hadaan saxaafadu buunbuuneyn, maamulka iyo wadistiisa mooyee, wax weyn inaanay ahayn ayaan u malaynayaa.

Ururka Horyaal, waxa furay rag aad isku raas tihiin, sidoo kale ururo kale ayaa jira ay furteen rag aad isku reer tihiin, maxaad filaysaa marka codadka shacabka loo yimaado,? Hadiise laguu soo bandhigo inaad qeyb ka ahaato la midowga ururada qaarkood, waa maxay fikirkaagu?

Marka u horeysa, furitaanka ururadu waa habkaan dooranay ee Dimoqraadiyada, oo fasaxaya in qof kastoo hami iyo himilo u haya siyaasada dalka oo meqaam ka gaadhi karta, oo wax ka bedeli karta inay furato urur. Waxaan u arka Dimoqraadiyadii oo sii koraysa. Mustaqbalka dhow waxa dhici karta in dadku saddex ama laba xisbi ku negaadaan, laakiin, xilligan waxaan nahay barbarad, kaasoo keenaya in dadku iyagoo meel ku midoobi karaya oo ku awood badnaan karaya, haddana waxa dhacday in tafaraaruq yimaado. Wax anniga I cabsi ama dhiilo gelinaya maaha, waan soo dhoweynayaa hadday badan yihiin iyo hadii ay reerkayga yihiin ama beel kale yihiin, midna uma arko dhibaato, bulshada reer Somaliland-na maanta waxay dooran doonaan isla markaana taageeri doonaan ururkii ay ku qancaan iyagoo fikirkooda iyo xulashadooda u xor ah, sida xilliganba in badan oo gudo iyo dibedba joogta u taageertay ururka UMMADDA. Waa albaab la furay oo shaqsi kastoo muwaadin ah u furan. Hadaadse  I weydiisay miyaad la midoobaysaa, jawaabtaydu waa maya. La midoobi mayo, waxna la yeelan mayo, waayo marka aad wax samaysanaysid, feker aasaasiya ood ka duulaysid ayaa jira, marka afikrikooda, qaabkooda iyo sida ay wax u wadaan midna lama wadaago, sida aawgeed lagama yaabo inaan la xaajoodo.

Xilligaad samaysatay ururkii SAHAN, waxa jirtay in lagu xaman jiray shacaar diimeed ayaa ka muuqda, sidaad u aragtaa ururo diimeed loo samaysto ka qeybgalka doorashooyinka?

Anigu marna urur diimeed maan samaysan, laakiin hadii aan ku qortay kitaab, qiyamka hagaya qofka waa inuu ahaadaa mid hagaagsan, ilayn dad ayuu doonayaa inuu mustaqbalkooda hago, waa inuu qiyam hagaagsan leeyahay. Ta kale, dadku waa wada muslim, diimo kala duwan ma kala laha, markaa sabab koox u sheegato inay diinta ka masuul tahay waxaan u arkaa inay khalad tahay, laakiin, qofku isagoo wadaad ah, isagoo dhakhtar ah, isagoo ganacsade ah, isagoo muwaadin ah,  siyaasada wuu geli karaa, inuu wadaad yahay denbi maaha , inuu diintiisa jecel yahay denbi maaha, laakiin wax la wada leeyahay waa inaan koox gaar u isticmaalin. Anigu calanka Somaliland ururkayga uma qaadan karo waa la wada leeyahay calanka Somaliland, sidoo kale ururka Somaliland ma odhan karo oo ummada oo dhan ayaa wada leh Somaliland. Wax la wada leeyahay qofna gaar uma sheegan karo, laakiin hadafkiis asiyaasadeed ha u maraan xeerarkaan wada dhiganay iyo shuruuucda innaga dhexeysa qof walba waxuu doonayo.