Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay lix kalena way ku dhaawacmeen qarax baabuur oo ka dhacay barxadda hore ee makhaayad laga cunteeyo oo ku taalla magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya. Dr. Cabdulqadir Cabdiraxman Aden oo ah madaxa Gaadiidka Gurmadka Degdegga ah ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay qaadeen illaa afar qof oo qaraxaas ku dhintay, iyo lix qof oo ku dhaawacmay qaraxaas. Dr. Cabdulqaadir wuxuu sheegay inay suuro gal tahay in tirada dhimashadu ay sii kordhi karto. Warku wuxuu sheegay illaa shan qof oo qaraxaas ku dhintay inay jiraan oo laba ka mid ahi ay yihiin haween. Makhaayaddan ayaa can ku ahayd inay yimaaddaan shaqaalaha madaxtooyada Somaliya iyo shaqaalaha rayidka ah ee dawladda u shaqeeya, waxaanay u dhowdahay hoteelka Central ee isna dhawaan la qarxiyay.