“Qaraabo Kiilku Waa Cudurka Dila Dawladwanaaga”

0
548

Picture3Nepotism(Qaraabo Kiil), Waa Cudurka Dilla Dawlad Wannaaga

“Qofku waxa aanu aqoon ee aanu karti, waayo aragnimo iyo xaq mid-na u lahayn oo aad qaraabo-nimo ku siiso waxa la yidhaahdaa Qaraabo kiil (Nepotism).

Waxa si aad ah u isticmaala siyaasiyiinta aan isku kalsonayn iyo ganacsatada bakhayliinta ah ee aan dadka aan xigin horumarka la jeclayn, waana cudur bulshada iyo dadka ku dhaqma kala dila, wadamada soo korayana dhibbaato xoog leh ayey ku haysaa. Somaliland Qabyaaladda iyo Qaraabo kiil ku dhaawac dhiig bax ah ayay ku hayaan, cadaaladdii iyo sinaantii wadankana dhibaato wayn ayay ku hayaan, waxa ugu danbeeyay Qaraabo kiil aynu aragno, oo wax lala yaabo ahayd, Liiskii uu soo xulay Muse Biixi ee golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye, kaas oo lagu daray marwaddii Madaxwaynaha iyo inanka uu Soddoga u yahay iyo xigtadoodii oo aynu qof qof u naqaano. Waxa iyana ka horaysay madaxwaynaha oo inankaa ku magacaabay safiir aan Safaarad lahayn, magacaa safiirnimo-na hanti badan illaa maanta lagu lunsanayo, waa qaraabo kiilkii oo aan Biyo ismarin”. Ayuu ku yidhi qoraalkiisa Dr.Maxamed Yaasii Xasan

 Dr. Maxamed Yaasiin Xasan

Wasiirkii kalluumaysiga ee hore ee Madaxweyne Siilaanyo