Qalinkaa Wax Suureeya 10

0
400

 

Talo iyo Hawl

Waxa aan ku tilmaanay qoraalkii hore doorka uu degenaashuhu u leeyahay nolosha, waxa taas ka horeeyey oo aan qoraalo hore ku ifbixinay garaadka iyo garashada oo muhiim u ah geedi socodka nolosha la’aantoodna ay adag tahay in la helo degenaasho, in kasta oo garaadka iyo garashadu ay ka soo bilaabmayaan heer qof waxa mudan in lagu ladho wixii u gudbin lahaa heer bulsho iyo ummad, kaa soo ah Talo iyo Hawl si wada jir ah ku fusha.

Deegaanku waxa uu abuuraa dan iyo tabasho wada jir ah, su’aalo hor leh oo aan kala go’ lahayn ayuu si cad iyo si dadban u soo gudbiyaa, kuwaas oo u baahan jawaabo iyo xal joogto ah, waxa halkaas ka abuurma in dadka ku bahoobay deegaankaasu aanay lahayn garaad gaadhsiisan sameyn garasho u horseeda inay si maslaxadooda guud ku jirto uga jawaabaan su’aalahaas taas oo horseed ka noqota inay ku fashilmaan xilkii nololeed ee ay wadaagayeen una gogol xaadha in da’yarta soo kacaysaa waydo mustaqbal ku haboon koridooda caafimaad iyo caqli.

Fashalka noocan oo kale ahi waa ka gayeysiiya bulshooyinka inuu ka lumo qiimihii ay lahaayeen, waxa hoos u dhaca akhlaaqda iyo diinta, waxaana burbura teedadka dhaqanka ee ilaalada ka ahaa in dhaxal guur ku yimaado waxyaabaha ay sida gaarka ah bulshadu u qiimeyso,  ceebtii u asturnaydna waxa ay u soo baxdaa dibedda, caadowyo badan oo aan ku soo dhiiran jirin ayaa u soo hanqal taaga, cuddudii iyo caqligii ay wax iskaga celin lahaydna wuu ka lumaa, taladuna waxa ay gacanta u gashaa cid markii la jiray aan waxba la waydiin jirin.

Meertada nolosha ayey ka mid tahay in bulshooyinku kufaan wakhtiyada qaarkood, in ay ku fashilmaan qaadista xilka iyo waajibka bulshonimo, ma aha wax aan hore uga dhicin adduunka, inta badana waxaaba la arkaa in fashalka noocan oo kale ahi uu hordhac u noqdo horumar bulsho oo hor leh, waxaase ku xidhan shardi dhigaaya in bulshadu si toosan uga faa’iideyso fashalka haleelay, haddiiba ay laba arrimood si wanaagsan ay u maareyso waxa ay si sahlan ku xaqiijin kartaa in dhibtii soo gaadhey ay u geddido dheef aan laga yaqaafin, kuwaas oo kala ah:

Talo

Dhib walba oo timaadaa waxa ay leedahay talo lagu moodo oo xal u noqota, taladaas waxa keena dad talo qabeen ah oo wadaaga furdaaminta dhibtaas, waxaase taas ka sii mudan in marka horeba bulshadu yeelato talo u noqota ka hortag dhibaatooyin la maleyn karo inay suurogal tahay inay dhacaan, macnaha keliya ee talaabadani ay yeelan kartaa waa mid ku tusaysa in meel dheer wax laga arkaayo, taas oo qoto iyo dhummuc u yeelaysa aqoonta, garaadka iyo cudduda bulshadu ay leedahay ee ay kaga hortegayso male-awaalka aan wanaagsanayn ee ay filayso.

Talo wadaagu waa xalka lagaga baxo dhibaatooyinka wadajirka ah ee haleela bulshooyinka, waxa taladaas looga marti noqdaa dadka inta talo qabeen-ka ah, inta kalena waxa laga sugaa inay si xilkasnimo ku jirto uga qayb qaataan hirgelinta talada, waxaaana laga fili karaa in ay u tilmaamaan si turxaan la’aan ah wixii u baahan far ku fiiq, arrimahaas oo dhan waxa aasaas u ah in dadweynahaas ay si isku mid ah u dareensan yihiin waxa haleelay iyo baahida loo qabo in xal loo helo.

Hawl

Dhacdooyinka adduunku kuma yimaadaan hawl la’aan, fekerka iyo talada haddii aan lagu badhi taarin hawl waxa ay noqdaan kuwo aan dhaafin garaadkii curiyey iyo afkii ku dhawaaqay, weligaa haddii aad ku bixiso wakhti aad u badan sidii aad xal ugu raadin lahayd dhibaatooyin nolosha ka muuqda adiga oo tuujinaaya maskaxdaada natiijadeedana ku cabbiraaya carabkaaga haddii aanad ku ladhin hawlgal aad ku fulinayso ka ruqaansanmaysid halka aad taagan tahay.

Taladaas ku timi wadartu waxa ay keensanaysaa hawl loo fuliyo si wadar ah, wadarnimadaas ayaa xirsi xidh u ah dan wadaagnimada bulshooyinku leeyihiin, laakiin waxa mudan in aasaaska wadarnimadu ku dhismayaa aanu noqon mid leh sumad gobol ama hayb ee uu noqdo mid ku dhisan aqoon iyo awood; aqoon loo yeelanaayo hawsha iyo deegaanka iyo awood xilksanimo.

Hawshu haddii aanay lahayn qorshe loo raacaayo fulinteeda iyo qiimeyn joogto ah oo gaadhsiisan in lagula xisaabtamo cidda loo igmaday waxa laga dhaxlayaa daal iyo weji gabax caqabad ku noqonaaya isku day danbe oo loo baahnaan lahaa wakhtiyo kale, si hadaba taas looga badbaado waxa mudan in qaabka talo wadareedka loogu bedelaayo hawl wadareed in loo dhigo mid qorshaysan oo leh qiimeyn joogto ah taasoo gaadhsiisan in aanu qofna ahaan mid ka sareeya QAANUUNKA.

BULSHO maalinta ay si GEESINIMO ku jirto isu waydiiso dhacdooyinka hor yaal, xalkana ku garato TALO WADAREED, fulintiisana ku gasho HAWL WADAREED, taas oo qorshaheedii iyo qiimeynteedii leh qofna aanu ka sareyn QAANUUNKA, maalintaas ayey bilaabaysaa inay dib u CURATO. 

qsuureeya@live.com

Axmed Cabdiraxmaan Sh Bashiir