Qaar Ka Mid Ah Mujaahidiintii SNM Oo Camaareeyay Xukuumada Iyo Guddiga Doorashooyinka

0
683

 

qaarHargaysa( Geeska )-Qaar kamid ah mujaahidiintii SNM ayaa si adag guddiga doorashada iyo xukuumada ugu dhaliilay inay dalka ka sameeyeen musuq xoogan iyo waliba cabudhin iyo dil loo gaystay dad shacab ah.

 

Waxa ay mujaahidiintan tilmaameen inay ku xidhantahay nabadda Somaliland in marka hore cadaalad dadka la deeqsiiyo, waxaanay wasiirka arrimaha gudaha ku dhaliileen dilka iyo dhaawacii loo gaystay dhalinyaradii mudaharaadyay. Waxa ay mujaadhiintan sidan ku sheegeen shir ja’aarid oo ay ku qabteen magaalada Hargaysa.

Ugu horayntiina  Mujaahid Dalmar Aw Haaruun oo shirkaas jaraa’id ka hadlay waxa uu yidhi “Waxa la yidhi dalkii doorasho ayaa ka dhacday, laakiin waxa la ogyahay oo cad in boob ka dhacay, boobkaas oo komishanka iyo dawladu ay ku sameeyeen dadka, Somaliland nabadgalyo iyo dimuqraadiyad ayay ku soo noolayd labaatankaas sanadood, maantana waxay maraysay halkii ugu wanaagsanayd oo ururkan Xaqoor waxa uu soo koobay dalka galbeed iyo bari oo xabadii socotay ayuu joojiyay, maanta ayaa dagaal lagu soo qaaday boob ayaa loola tagay.”

Wuxuu intaas raaciyay “Nimankii halkan joogay ee komishankana waxay leeyahiin waanu khaldanay, marna maxkamadaanu u gudbinay iyo mar ay yidhaahdaan waxbaa la waayayba, waxaynu arkaynaa mid maanta qarsoon maaha ee way qaawantahay, hadday qaawantahayna nabadgalayo beenbeen ah layku hodimaayo, ubadkii laamiga maraayay maxaa lagu laayay ee ay sameeyeen, wadanka waxii laga dagaalamay waxa uu ahaa dulmi caruur loo laayay sidaas oo kale ayaa laga dagaalamay tiibaa maanta rag wadaa udulqaadan mayno, nabad galyo danbana dadka lagu hodimaayo, guurtidii iyo wakiiladii mayee madaxweyniina markuu todaba casho maqnaado ayuu odhanayaa cidii is dhaqdhaqaajisa waan dilayaa,cidii la dili jiray ayaa la dilayaa,nabadgalyada waanu jacelnahay ee halkee lagu hayaa.”

Mujaahid Baashe Cabdi Godane ayaa isagu si gaara dhaliil ugu soo jeediyay oday dhaqameedyada iyo wasiirka arimaha gudaha, waxaana hadalkiisa kamid ahaa  “ Anigu doorasho lagu shubtay iyo waxaas ka hadlimaayo ee waxa aan halkan ka odhanayaa laba qodab qolooyinkan  madaxdhaqameedyada isku sheega ee duubabka xidhan ee dadka u soo fadhiista muraayadaha had iyo jeeraale waxay ka hadlaan in nabadgalayda la ilaaliyo, waxaan leeyahay aasaaska nolosha aadamahu waa cadaalad hadidi la waayana ninka nabadgalyo daydayaayoow halkay taalo adigu ka qaado.”, waxaanu eedaymo u jeediyay wasiirka arrimaha gudaha.

Mujaahid Cabdillaahi Aw Aaden, oo ka mid ah xildhibaanada u soo baxay golaha deegaanka Hargeysa, ayaa isna cambaareeyay guddiga doorashada, oo uu sheegay inay ku simbirixdeen doorashadii goleyaasha deegaanka ee ay qabteen.

 Waxa kale oo iyaguna halkaas ka hadlay Mujaahid Baashe Cabdi Xoog, Mujaahid Dayr Cilmi Ismaaciil, Mujaahid Xasan Cumar Xirsi, Mujaahid Salaan Muuse, Mujaahid Ibraahim Muuse Raage iyo qaar kale, waxaanay aad u cambaareeyeen natiijadii guddiga doorashadu ku dhawaaqeen, iyagoo guddiga doorashada ugu baaqay inay is casilaan.