Prof. Cabdisalaan Yaasiin Oo Ka Digay Halista Ka Dhalanaysa Siyaasadda Qabiilaysan

0
547

Hargeysa (Geeska)-Prof: Cabdisalaan Yaasiin, oo ka mid ah Madasha Wadatashiga, ayaa ka hadlay Shirkii ka dhacay Magaalada Burco, ee uu Madaxweynuhu ka qayb galay, waxaanu tilmaamay in Shirkan oo lagaga hadlay arimo Qabiil, aanay u haboonayn, waxaanu sheegay in Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadduba ay dibadda soo dhigeen Qabyaalada.

1

Prof: Cabdisalaan Yaasiin, oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah siiyey ayaa sidoo kale Xukuumadda iyo Xisbiyada Qaranka kula taliyey in Qabiilka aanay u adeegsan si xun, waxaanu yidhi isagoo arimahan ka hadlaya“Qoladan Kulmiye wey bariiqatay,Kulmiye ahaan inay u hadlaan bay ahayd, ee inay Beel ahaan u hadlaan oo Warbaahinta ka hadlaan may ahayn, mabaadi ma lihin, Xisbiyadeenuna waa iska Qabaa’iil, oo sidii hasha loo maqaar saari jiray ayeynu u maqaar saarnay, oo Xisbiyo ayeynu ka dhignay, laakiin qoladan Xukuumaddu dibaddii bay soo dhigtay  Qabyaaladii, markaas ayey walibana taariikh fog oo aan meesha qaban u yeeshay”.

Prof: Cabdisalaan Yaasiin mar uu Xukuumadda iyo Xisbiyada uga digayey inay si xun u isticmalaan Qabiiilka ayaa yidhi“Qabyaaladan qeexan ee Dawladiina la dhex eryeyo, Xisbiyadiina la dhex eryayo, ma fiicna, Beelaha Somaliland wada dega weynu is naqaana, Qabiilkuna waa dhalan, oo ILLAAHAY baa sheegay, oo quraankiisa ku sheegay in Qabiilka la isku garto, balse waxa xun marka Qabiilka  lagu adeegsado, oo laga dhigto agab, waxaana wanaagsan in Xukuumadda iyo Xisbiyaduba aanay ka dhigan agab, si xuna aanay u isticmaalin”