Odayaal Iyo Dhallinyaro Reer Axmed Dhagax Ah Oo Eedaymo U Jeediyay Xukuumada

0
459

Picture1

Hargeysa(Geeska):-Qaar ka mid ah Odayaasha, wax-garadka iyo mujaahidiinta ka soo jeeda deegaanka Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa,ayaa si adag uga hadlay xaalada maanta u dalku maraayo,waxaana ay si gaar ah u taabteen dhacdooyinkii maal mahii u danbaysay ka socday aqalka golaha wakiilada Somaliland oo ay xildhibaanada muxaafadka ah ee aqalka golaha wakiiladu ay wadeen mooshin xilka laga’ga qaadayo guddoomiyaha aqalka wakiilada Somaliland Md:Cabdiraxmaan Cirro,waxaana ay tilmaameen in  mooshinkaasi uu ahaa mooshin ay xukuumadu dabada ka riixaysay madaama baa ay yidhaahdeen ay ciidamo aad u tiro badan oo bulshada cabsi galiyey ay soo dhoobtay aqalka golaha wakiilada Somaliland.

Odayaashan ayaa hadalkan ka sheegay shir-jaraa’id oo ay shalay ku qabteen magaalada Hargeysa,waxaana ay sida oo kale ay xukuumada madaxweyne Siilaanyo ugu baaqeen in ay doorashada wakhtigeedii ay ku qabato.Maxamed Axmed Cabdiraxmaan(Gatuuse) oo halkaasi ka hadlay ayaa u sheegay in nabad galyada dalka ka jirta ay shacabka reer Somaliland gacmahooda ku illaaliyaan,balse aanay ahayn baa uu yidhi in xukuumada Siilaanyo ay sidii Xukuumadii UDUB ay dadka ku ka illaaliso nabad galyada sidii oo ay beed jabaya ay tahay."Marka hore waxaan u soo jeedinayaa shacabka reer Somaliland,in ay illaashadaan nabad galyadooda,oo aan nabad galyada beed looga dhigin,anigu waxaan ka tirsanaan jiray Xisbigii UDUB,markii danbena kooxdii isbedal doonka UDUB ahaan jirtay ayaan ka tirsanaa,barigaa waxaanu KULMIYE kaga xanaajin jirnay,nabad galyada ha la illaaliyo,amniga ha la illaaliyo ayaa ay ka xanaaqi jireen KULMIYE,oo nabad galyada ayaanu beed uga dhigi jirnay burburaya,tabtii ayaad mooda in maanta amniga ha la illaaliyo ay KULMIYE ku tasbiixsanayaan,oo ay nabad galyada doonayaan in ay shacabka uga dhigaan,beed burburaya,sidii oo aanu gacmahooda ku jirin,waxaan leeyahay nabad galyada inaga ayaa ku noole iyadu inaguma noola,shacbiga reer Somaliland oo dhan ayaa ay dan u tahay,mid wax haysta iyo mid aan wax haysan ayaa ay dan u tahay,taa waxaan leeyahay nabad galyada shacabka reer Somaliland ha illaashadaan"Ayuu yidhi Md:Maxamed Axmed Cabdiraxmaan (Gatuuse). Md:Maxamed Gatuuse ayaa waxaa kale oo uu wax lala yaabo ku tilmaamay isku dayga ay Xukuumada Siilaanyo ku doonayso in ay xilka kaga qaado guddoomiyaha aqalka golaha wakiilada Somaliland Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro).

"Haddaan ka hadlo arrintan ugu danbaysay ee maanta taagan ee khilaafka golaha wakiilada,inaguma cusba ayaan leeyahay,dhowr jeer ayaa uu soo noq noqday intii wadanka Somaliland lagu dhawaaqay,waxaan xasuusta Baarlamaankii Xaabsade,1996-dii dabayaaqadiisii,markii uu soo dhawaa shir beeleedkii 1997-kii,madaxweyne Cigaal ayaa waxaa uu soo ciyaarsiiyey baydaani,iyo koox dhaameelka madaxtooyada looga luli jiray,oo aynu ognahay burburkii ay gaadhsiiyeen golahii uu xaabsade guddoomiyaha ka ahaa,waa aynu isla garanaynaa taas.Waxaa kale oo aynu garanaynaa mar uu Xukuumadii Riyaale uu is yidhi guddoomiyaha golaha guurtida ka tuur,oo saleebaan oo Ingiriiska dawo u tagay iyada oo caafimaadkii iyo dawadii uu u tagay aanay u dhamaan,uu dhakhso inta uu u soo cararay uu ku soo dhex dhacay golahii,mar walbana waxaa kooxahaas laga soo ruxaayey oo dhaameelka looga lulaayey madaxtooyada,oo isla haa wax inqilaaba.maantana tana waa tiiyoo kale tan Cabdiraxmaan Cirro ku socotaa”Ayuu yidhi Md:Gatuuse.

Md:Cabdiraxmaan Gatuuse oo sida oo kale hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yidhi:“Marka ay caynkaa tahay dee gardarada looma sina oo dee ninkaa maanta ciidanka golaha galiyey,oo waa tii uu Riyaaleba uu galiyey,ee Cabdiraxmaan Cirro uu maalinta u hiilinaayey mucaaradka,isaga oo Xisbi WADDANI la yidhaahdo guddoomiye aan ka ahayn,waa ay dhacday oo waa tii inanka reer Goljano uu ku dhintay.waxaanan madaxweynaha leeyahay inta aad gurigaaga mudaharaadayaal aad ka soo hor kacday waa tii rasaasta lagugu ridaayey,kama duwana mudaharaadka maanta taagani kaa aad maalinta hor kacaysay,iyo waliba dhiidhiga la dhiidhiyaao xumaanta golaha ka taagani,in ay taas oo kale ay tahay ayuunbaan aamin sanahay,waayo waxaa jiray khilaaf bari dhawayd la daweeyey oo shir guddoonka dhexdiisa taagnaa.waa tii la dhameeyey,waxaana laysku ogaa in aan mooshin danbe aan la keenin.Markaa waxa ay maanta madaxtooyadu ay u soo ciyaarsiiso khilaafkan danbe waxaan anigu u arkaa uun mid aan meesha qaban.mid kale waxaa jirta Tv-gii iyo Idaacadii qaranka oo guddoomiyahii Baarlamaanka laga caayayo,xil qaran ayaa uu hayaa oo xasaanad ayaa uu leeyahay,kaligii maaha,oo barigii dhawayd ee muuse biixi iyo Siilaanyo ay murashaxnimada isku qabteen waxii ku dhacay waa la ogaa,waana ayaan darro in madaxda qaranka laga aflagaadeeyo warbaahinta qaranka". Caaqil Dayib Cabdi Barre oo isna sida oo kale halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay xukuumada madaxweyne Siilaanyo ay dalka ku qabsatay cod,hadana ay ku tagi doonto.waxaana uu wax aan marnaba la aqbali karin uu ku tilmaamay ciidamada RRU-da ah oo uu sheegay in ay xukuumadu u adeegsanayso meelo aan munaasib ku ahayn,iyada oo uu tilmaamay in ay dalka nabad galyo darro ay ka abuuri karaan.waxaan uu sida oo kale uu ugu baaqay Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo in ay doorashooyinka wakhtigoodii ay ku qabato. "Xukuumadani maaha mid qasab ku timi waa mid cod ku timi oo la soo doortay weeye,oo waliba cod aqlabiyad ah lagu soo doortay dadkana hogaamiya la yidhi,dee in ay si wanaagsan ay u hogaamiso ayaa aynu ka eegaynaa oo aynu ka doonaynaa,laakiin in aynu isku adeegsano oo Baarlamaankii iyo wakiiladii iyo golahii guurtida oo meel walba in RRU- la galiyo,waa xaaraan weeyaan,nabad galyo ayaa aynu ku noolayn nabad galyada yar ee aynu dalka ku joognayna ee aynu waliba ku faani jirnay haddii khal kahl lagaliyo waxba inooma aysan hadhin,wax kasta oo maanta dhacay haddii wanaag dhacay madaxweynaha meesha haysta ayaa amaantiisa leh,haddii ay xumaan dhacdayna isaga ayaa xumaanteeda iska leh,waxa weeye madaxweyne doorashada waa la qabanayaa hala qabto ayaa tidhi in ay qabsoonta ayaa la doonayaa,shantaadii sano waxaan filayaa in ay wali wax kuu hadheen oo aanay wax kaa dhamaan,dee haddii uu nasiibkaagu ku siiyo doorashadaas dee qaado,haddii kale se dee siday ahayd in aad u qabato ayaa lagaaga fadhiyaa"Ayuu yidhi Caaqil Dayib Cabdi Barre.