Obama Oo La Noqday Safiirkii Uu Somaliya U Magacaabay

0
611

Picture4Wararka ka imaanaya mareykanka ayaa sheegaya in Madaxweynaha mareykanka Barack Obama uu la noqday safiirkii uu 2 bilood ka hor u magacaabay dalka Soomaaliya.

Obama ayaa xilkaasi u magacaabay haweeney muddo dheer ka soo shaqeysay qaaradda afrika, waxaana lagu waday in ay noqoto safiirkii ugu horreeyay ee mareykan ah oo muddo shan iyo labaatan sano ah kaddib ka hawlgala safaaradda mareykanka ee Soomaaliya tan iyo burburkii dowladda dhexe ee soomaaliya sanadkii 1991-kii.

Hase ahaatee, qof magaciisa qariyay oo u hadlay maamulka Madaxweyne Obama, ayaa sheegay in Safiirka laga magacaabay ka cudur daartay xilkaasi islamarkaana arrimo shakhsi ah u diiday inuu qabto jagada loo magacaabay. Haweenaydan ayaa lagu waday inay ku sii shaqayso Nairobi inta Maraykanku furayo Safaaraddiisa Muqdisho. Arrintan ayaa imanaysa xilli la rumaysan yahay in Maraykanku damacsan yahay inuu xidhiidh wanaagsan la yeeshay Xukumadda Somalia. Xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka ayaa dhawaan markii u horraysay tagay Somalia, isagoo sheegay inay furi doonaan Safaaraddooda muqdisho xoojina doonaan xidhiidhkooda Somalia.