Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa bilaabay inuu ka qeyb qaato ololaha lagu taageerayo Murashaxada Xisbiga Dimuquraadiga Hillary Clinton oo todobaadkan xanuunsatay.
Obama ayaa ka qeyb qaatay isu soo baxyadii ugu danbeeyey ee taageerayaasha Mrs.Clinton oo Axadii lasoo dhaafay la sheegay inay xanuunsatay xili ay ku sugneyd xuskii 9-11 ee ka dhacay magaalada New York. Waxaa sidoo kale jirtay culeys lasoo gudboonaaday Murashaxada Dimuquraadiga iyo shakiga laga qabo xaaladeeda caafimaad oo ay si weyn u hadal hayeen warbaahinta Maraykanka. Madaxweyne Obama ayaa isagu sheegay inuu hada qeyb lixaadleh ka qaadan doono sidii Hillary Clinton ay ugu guuleysan lahayd xilka uu ka degayo, isagoona weerar ku qaaday murashaxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump oo uu ku tilmaamay nin aan khibrad iyo waliba xirfad u lahayn wax hogaaminta.