Nuxurka Warqad Uu Faysal Cali Waraabe Kaga Jawaabay Digniintii Guddiga Diiwaangelinta

0
519

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa ka jawaabay amar ay guddiga diiwaangelinta ururada siyaasadu fareen oo ah in garabkiisa iyo garabka labaad ee Jamaal Cali Xuseen joojiyaan laba shir oo kala duwan oo ay qorshaysteen inay qabsadaan 6 November iyo 7 November.

wwwwwwwwww

Guddoomiye Faysal, ayaa wuxuu guddiga guddiga diiwaangelinta u sharaxay xaqa sharci ee uu u leeyahay qabashada shirkaas, isagoo tixraacay go’aankii ay maxkamadda sare ka soo saartay rafcaankii uu ka qaatay go’aankii ay hore khilaafka uga gaadhay guddiga diiwaangelintu.

Warqada oo uu Faysal nuqul ogaysiin ah siiyay maxkamadda sare iyo wasaaradda arrimaha gudaha, kuna taariikhaysan 3 November, wuxuu ku yidhi “Si loo waafajiyo qodobka afraad ee heshiiskii ku taariikhaysnaa 12/7/2012 ee ay wada galeen garabkii xisbiga UDUB iyo xisbiga UCID iyo go’aankii maxkamadda sare ay ka soo saartay khilaafka xisbiga UCID waxa xisbiga UCID ka go’an in la fuliyo go’aankaas iyadoo loo raacayo xeerka xisbiga UCID, qaban qaabada shirweynaha iyo qabashadiisaba si loo horgeeyo heshiiskii ay wada galeen labada dhinac.”

Faysal oo qoraalkiisa sii wataa wuxuu yidhi “Haddaba shirweynaha aan caadiga ahayn ee iclaamiyay xisbigai UCID ee la qaban doono 7/11/2016, wuxuu waafaqsanyahay xeerka xisbiga UCID, iyo go’aankii ay maxkamadda sare ku soo afjartay khilaafkii xisbiga UCID.”

Wuxu ugu dambayn Faysal yidhi “Waxa xisbiga UCID ka go’an in si dhakhso ah loo hawlgeliyo guddiga qaban qaabada labada dhinac ee shirweynaha aan caadiga ahayn iyadoo aanay marnaba suurtogal ahayn in xubnaha guddiga qaban qaabada ee dhinaca garabka UDUB ay ku soo darsadaan guddiga qaban qaabada xubno ka tirsanaa xisbiga UCID.”