Nuxurka Shirkii Jaraa’id Ee Dhallinyarada Jiidali

0
773

Hargeysa(Geeska)-Dhalinyarada Ururka Jiidali ayaa shirjaraa’id oo ay Sabtidii ku qabteen Hargeysa  waxay kaga hadleen imaatinkii uu dhawaan ergeyga qaramada midoobay u qaabilsan Soomaliya Nicholas Kay ku yimid magaaladda Hargeysa halkaas oo ay xukuumadda Siilaanyo u soo jeediyeen inay ka hadasho islamarkaana  ummada u bayaamiso go'aanka ay ka qaadatay hadii kalena sida ay sheegeen dhalinyarada ururka Jiidali ay u arkaan inay xukuumaddu qaadatay nidaamka federaaliga ah ee Soomaaliya.

Waxaana ugu horeyn ka hadlay shirkan jaraa'id afhayeenka ururka dhalinyarada Jiidali mr Faysal Muxumed Madar waxaana uu yidhi "Nicholas Kay maalin dhaweyd halkan buu yimid, laba mid baan kala garan laayahay, inay somaliland ka noqotay Somaliland-nimadii iyo in Nikolas Kay xafiiskiisii uu ka noqday mabdi'ii uu ku abroojgareenay Somaliland, Nikolas Kay waxa uu kala shaqeeyaa Soomaaliya habka Faderaalismka ee qeybinta gobolada oo weydun aragteen buuqa Soomaaliya ka taagan ee saxaafada ka socota.”

Dhinaca kalena waxa isna halkaas ka hadlay guddoomiye ku xigeenka ururka dhalinyarada Jiidali oo isna iftiimiyay sababta ururkan ay u aas-aaseen iyo ahmiyada ay uuga dan lahaayeen sameynta ururkan waxaana hadalkiisa kamid ahaa. "dhalinyaro dhawr ah ayaa  jira oo iyana dalka gobolo kamid ah kaga dhawaaqay ururo ay ugu horayso ururka Jiidali, Burco iyo Berbera oo iyana dhalinyaro kaga dhawaaqeen waxa kale oo jirta Boorama oo iyana dhalinyaro"
Ugu dambeyn waxa halkaasi mahadnaq uga soo jeediyaya dhalinyarada guddoomiyaha ururka jiidali cabdiraxmaan xasan aadan waxaanuu yidhi "ururka jiidali waxa uu u taagan yahay sidii dhalinyaradtu ay isu fahmi lahayd oo ay xidhiidh u yeelan lahayd waxaanan soo dhaweeynayaa dhalinyaradii u mahad naqday markii aanu ku dhawaaqnay ururkan dhamaan ururada dhalinyarada ee gobolada dalka ayaa hambalyeynayaa" ayuu hadalkiisa ku gabagabeeya gudoomiyaha ururka jiidali.