Nuxurka Qoraal Uu Madaxweyne Siilaanyo U Gudbiyay Wakiilada Oo Uu Kaga Dalbaday Inay Xeerka Diiwaangelinta Waafajiyaan Heshiiskii Xisbiyada Iyo Xukuumadu Gaadheen

0
669

Picture7Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa golaha wakiilada u u gudbiyay wax ka bedel uu ku sameeyay qodobka 25aad ee xeerka diiwaangelinta, ka dib markii ay dhawaan labada xisbi mucaarad iyo xukuumadu isla garteen in wax laga bedelo laba qodob oo ku jira xeerkaas oo ay xisbiyada mucaaradku dareen walaac leh ka muujiyeen.

Sida ku cad qoraal “Soo gudbin wax ka bedel qodob” oo uu Madaxweyne Siilaanyo 21 September 2014 u gudbiyay shirguddoonka golaha wakiilada, wuxuu ku dalbaday in wax ka bedel lagu sameeyo qodobkaas ka dib kulamadii dhex maray xisbiyada iyo xukuumadda. Qoraalkaas oo uu Madaxweynuhu ku socodsiiyay shirguddoonka golaha wakiilada si xildhibaanada loogu bandhigo, islamarkaana uu ogaysiin siiyay guddoomiyayaasha saddexda xisbi qaran, oo ah qoraal aan saxaafadda loogu tallo gelin balse uu Geeska Afrika helay, ayaa wuxuu u dhignaa sidan “Mudanayaal; Anigoo ka duulaya tabashada iyo codsigii ay labada xisbi mucaarad ii soo gudbiyeen islamarkaana tixgelinaya kulamadii ay yeesheen saddexda xisbi qaran iyo xukuumadu, waxaan soo jeedinayaa in qodobka 25aad ee xeerka qabyada ah ee doodiisu ka socoto golaha wakiilada ee u dhigan, “Qof kasta oo raba inuu isu diiwaangeliyo cod bixiye doorashooyinka qaranka (madaxtooyada iyo Baarlamaanka) iyo dawladaha hoose waa inuu sitaa warqada muwaadinka.” In lagu kordhiyo, “Haddii ay dhacdo in muwaadiniinta qaarkood ay u suurtogeli weydo inay hore u sii qaataan warqada aqoonsiga muwaadinka, waa in wasaaradda arrimaha guduhu ku sugtaa muwaadinimadooda goobta qaadashada kaadhka codbixiyaha. Sidaa darteed waxaan idinka rajaynayaa inaad ka gudan doontaan waajibaadkiina distooriga ah.”