Nuxurka Khudbadii Uu Muuse Biixi Ka Jeediyay Xidhitaankii Shirka KULMIYE

0
601

Picture4Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga tallada dalka haya ee KULMIYE ahna Murrashaxa madaxweynaha ee xisbigaasi Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay  ergadii shirka Golaha dhexe ee xisbiga ka jeediyay khudbad dheer oo siyaasadeed oo uu kaga hadlay  arrimaha siyaasadda, waxbarashadda, caafimaadka, dhaqaalaha iyo siyaasadda khaarajiga ee Somaliland.

Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE waxa kale oo uu khudbadiisa si qoto dheer ugaga hadlay xidhiidhka iskaashi iyo wax-wada qabsiga ay la yeelan doonaan dalalka dariska ah. Muuse Biixi ayaa khudbadiisa kaga hadlay arrimaha ammaanka, dhaqaalaha, siyaasadda gudaha, siyaasadda dibadda, haweenka iyo dadka la hayb sooco. “Xisbiga KULMIYE, waxa uu aaminsan yahay in qofka Muwaadinka ah ee Somaliland helo nabad, daganaansho iyo ammaan shakhsi ah. Waa in uu ammaan iyo nabad ka helaa cadaw shisheeye, waa in uu si xor iyo xalaal ah u maamulan karo hawl-maalmeedkiisa isaga oo aan naftiisa u baqayn, sharcigana dhawraya. Dawladdu waxa ay illaalin doontaa xuquuqda iyo nabad ku noolaanshaha shakhsiga ah, kadib marka ay ka nabadgaliso cadaw shisheeye. Waa in muwaadinku dareemaa in uu leeyahay dawlad ilaalinaysa amnigiisa iyo nabadgalyadiisa, cirdigiisa iyo sharaftiisana dhawraysa, sharcigana loo siman yahay madax iyo mijo.

– Xisbiga KULMIYE, waxa uu sidoo kale aaminsan yahay in muwaadinka Jamhuuriyadda Somaliland u dhashay helo amni iyo sugnaan nololeed (Waxa afka qalaad lagu yidhaa – Social Security). Muwaadinka Jamhuuriyadda Somaliland u dhashay, kadib marka uu ka nabadgalo cadaw shisheeye, waa in aanu u dhiman gaajo iyo faqri. Waa in aanu ka war-warin nolol maalmeedkiisa iyo quutal daruuriga qoyskiisa. Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadiisu ma aqbali karo in bulshada reer Somaliland qaarna noqdaan aqniyo iyo tujaar is nacday, shanta maal adduunba u dhaleen, qaarna aanay wada helin saddexda wakhti. Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadiisu waxa ay u sahan yihiin bulsho leh tujaar u naxariista bulshadooda iyo bulsho hesha nolol-maalmeedkooda caadiga ah, farxadna kuwada nool. Waa sababta Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadiisu u kordhiyeen 150% mushaharaadkii shaqaalaha. Arrintaasi waa bilow ilaa la gaadhayo mushahaar ku filan qofka noloshiisa. Sidaas darteed, Xisbiga KULMIYE, waxa uu la iman doonaa siyaasado iyo qorshayaal cad cad oo hirgaliya hiigsiga iyo himilada amniga qaranka Jamhuuriyada Somaliland.” ayuu yidhi, waxaanu isagoo ka hadlaya kobcinta dhaqaalaha uu yidhi “Waxaanu sii wadi doonaa kobcinta miisaaniyadda qaranka iyadoo xooga la saarayo fidinta cashuuraha iyo abuuridda ilo cusub oo dakhli. Weelaynta iyo isku duba ridka kaalmooyinka caalamiga ah.

Sii wadidda xoojinta kaabayaasha dhaqaalaha, ganacsiga suuqa xorta ah, maalgashiga caalamiga (Tusaale, Berbera Corridor), bangiyada iyo adeegyda maaliyada.

Dar-dargelinta barnaamijka dib-u-habaynta maaraynta maaliyadda, iyadoo sare loo qaadi doono hay’daha maaliyadda, Bangiga Dhexe iyo Hanti-dhawrka.

Muuse Biixi waxa kale oo uu ka hadlay arrimaha waxbarashada, caafimaadka, biyaha iyo dhallinyarada, isagoo ka hadlaya dadka la hayb sooco wuxuu yidhi “Xisbiga KULMIYE waxa uu baadi-goob ugu jiraa wada-jirka iyo is-xaq dhawrka shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ku nool. Xisbiga KULMIYE ma aqbalayo kala sarayn mujtamac oo ka jirta bulshada Jamhuuriyadda Somaliland dhexdeeda, mana aqoonsana in ay jirto kala tiro badnaan bulsho oo ka jirta mujtamaceenna dhexdiisa. Wax ka qabashada iyo horumarinta duruufaha nololeed iyo waxbarasho ee bulshada Jamhuuriyadda Somaliland guud ahaan, gaar ahaan bulshada dulman ee xuquuqdooda kuwaayey hayb-sooc aan xaq ahayn, waa arin mudnaan u leh xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa iman doonta. Xisbiga KULMIYE waxa uu u horseedi doonaa dhammaanba bulshada JSL ku dhaqan sinaan, horumar iyo dhammaystirka xuquuqaha aasaasiga ah ee muwaadin kasta oo dalkan u dhashay.

Arrimaha qabyaaladda ayuu aad uga hadlay, waxaxaanu sheegay inaanay qabyaaladu ahayn mid ka turjumaysa horumarka wadanka, isagoo ka hadlaya arrimaha cadaaladda iyo garsoorka wuxuu yidhi “Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadiisu waxa ay sii wadi doonaan illaalinta madaxbannaanida garsoorka, tayaynta Guddiga Cadaaladda, Xeer-ilaalinta, Maxkamadda Sare, ahna Maxkamada Dastuuriga ah iyo Maxkamadaha hoose si loo helo bah garsoor oo u madaxbannaan waajibaadkooda shaqo sida ku xusan dastuurka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Sida ku cad dastuurka Jamhuuriyada Somaliland, xisbiga KULMIYE iyo Xukuumaddiisa waxa ka go’an sinaanta muwaadiinta Somaliland, illaalinta xuquuqda muwaadinka, xoriyadaha aasaasiga iyo waajibaadka muwaadinka. Waxaan awood buuxda siin doonaa hay’adaha xuquuqul iinsaanka, difaacayaasha xuquuqda Aadamaha iyo ururada bulshada si ay u kor joogaan xaaladaha xuquuqda Aadamaha ee dalka.

Xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisu waxa ay sii wadaynaan dibu habaynta diiwaanka dembiga iyo maaraynta kiisaska iyadoo la ilaalinayo xuquuqda Eedaysanaha. Waxa kale oo aanu sii wadi doonaa wanaajinta xaaladda xabsiyadda iyo illaalinta xuquuqda maxbuuska iyadoo xooga la saarayo u helida xabsiyo u gaara dumarka iyo da’yarta.”

Siyaasadda dibadda oo uu aad uga hadlay wuxuu yidhi  “Sidoo kale, xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisu waxa ay aloosi doonaan fagaarayaal iyo shirar waaweyn oo bulshada Jamhuuriyadda Somaliland kaga talo-bixiso diyaarinta Siyaasadda Qaran ee Arrimaha Dibedda (National Foreign Policy). Shirarkaas waxa la isugu keeni doonaa aqoonyahanka, waxgaradka iyo talo-qabeenka, si loo hufo Siyaasaddaas Qaran ee Arrimaha Dibedda Jamhuuriyadda Somaliland. Ujeeddada Shirweynahaasi iyo diyaarinta Siyaasadaasi Arrimaha Dibeddu waa in talo-qaran laga yeesho dhammaan dariiqyada kala duwan ee lagu xaqiijin karo ictiraafka iyo  madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland oo lama taabtaan.

Xisbiga KULMIYE, xukuumaddiisa iyo bulshada Jamhuuriyadda Somaliland waxay ay gar-naqsi dhaba la hortagi doonaan dhammaan dalalka adduunka, midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.”

Wadamada jaarka isagoo ka hadlaya wuxuu yidhi Muuse Biixi “Mabdi’iyan iyo Siyaasiyan, Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadiisu waxa ay aaminsan yihiin in Jamhuuriyadda Somaliland oo madax-banaan oo xor ahi, xidhiidho caalami ah la yeelato bulshada caalamka oo ku dhisan iskaashi, is-ixtiraam, wada-jir, dulqaad iyo Khilaaf la’aan (Zero Conflict Policy).

Waxa aan u caddaynayaa shucuubta iyo qaramada la jaarka ah Jamhuuriyadda Somaliland in Xisbiga KULMIYE aaminsan yahay illaalinta nabadgalyada Gobolka Geeska Africa iyo adduunkaba. Waxa adduunwaynuhu la socdaa colaadaha ka aloosan Bariga Dhexe, colaadaha dalka Yemen oo saamayn ku yeelan karta marin biyoodka muhiimka ah ee Gacanka Cadmeed (Gulf of Aden) iyo qaxootiga tirada badan ee ka soo firxanaya dalkooda, colaadaha loo caal-waayey ee ka jira dalka Somalia. Sidaas darteed, Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ugu jirtaa nabadgalyada adduunka kaalin wax-ku-ool ah oo mudan in loo tix galiyo laguna qadariyo.

Xisbiga KULMIYE, waxa uu aaminsan yahay in Somaliland iyo Somalia yihiin laba dal ama qaran oo kala madaxbannaan, balse walaalo ah, oo dadka iskugu xiga. Wax intaas ka hooseeyana aan ku heshiin karin.”

Arrimaha Somaliya wuxuu Muuse Biixi ka yidhi “Waxa aan cod dheer ugu sheegaynaa Dawladda iyo shacabka Somalia in ay xaqiiqada la noolaadaan, ogaadaana in waxa kaliya ee ummada Jamhuuriyadda Somaliland deeqaa yahay Somaliland oo xor ah oo  madaxbannaan. Ninka ku Riyoonaya Soomaali weyn, waxaanu u sheegaynaa in riyadaasi dhimatay, dibna u soo noolaanayn. Soomaali weyn waxa ay ahayd waa midnimada shanta Soomaaliyeed ee geeska Africa oo hadhsada calan kaliya. Ma ay ahayn laba ka mid ah shanta Soomaaliyeed. Haddii la isku keenayo shanta Soomaaliyeed ee ku nool Geeska Afrika, waxaanu u aragnaa nin duulaan ku ah nabada, wada-noolaanshaha iyo jaar wanaaga dalalka Geeska Afrika. Waxaannu u aragnaa nin iclaamiyey dagaal hor leh oo laga huriyo jasiirad la moodka Geeska Afrika ee Soomaalidu dagto iyo xuduudaha dhuleed iyo madaxbannaanida wadamada Geeska Afrika. Jamhuuriyadda Somaliland jiritaankeedu waxa ay astaan u tahay nabad kuwada noolaanshada dalalka Geeska iyo Qaarada Afrika.

Waa sababta Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumaddiisu wada hadalka ula fureen Jamhuuriyada Soomaaliya ee aynu jaarka nahay. Waxaannu aaminsan nahay wadahadal leh nuxur buuxa iyo aragti dheer, salna ay u tahay nabad kuwada noolaanshaha bulshada Geeska Afrika in ay dan u tahay jaar wanaaga Jamhuuriyada Somaliland oo xor ah iyo Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisu waxay aaminsan yihiin wadahadalka u socdo si xawli ah, kana soo baxaan go’aamo dhaxalgal ah oo ay u aayaan jiilka soo koroyada ee labada dal, oo ay ugu horayso madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland iyo sida labada dal isku kaashanayaan. Mar kale ayaan ku leeyahay cod dheer, wax intaas ka yar oo bulshada Jamhuuriyadda Somaliland aqbali karto haba yaraatee ma jirto. Bulshada Soomaaliyeed ayaanu u diraynaa farriintaas, bulsahada qaaradaha adduunka ayaanu farriintaas u diraynaa. Waxaannu sidoo kale ka codsanaynaa bulshada adduunka in ay goob-joob ka noqdaan habsami u socodka wadahadalka labada dal.”

Muuse Biixi waxa kale oo uu ka hadlay arrimaha xisbiyada, xidhiidka goleyaasha iyo arrimo kale oo uu ku saleeyay siyaasadda KULMIYE.