Nuxurka Khudbadii Madaxweyne Silanyo Ee Maalinta Qaranimada Ee 18 May

0
570

Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne Siilaanyo oo shalay dadweynaha reer Hargeysa kala qayb galay xuska munaasibada 25 guurada ka soo wareegtay maalintii 18 May 1991 ee la soo noqoshada madaxbanaanida Somaliland, ayaa wuxuu shacabka u jeediyay khudbad.

1

Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu farriimo u diray siyaasiyiinta Somaliya, oo uu u sheegay inay iska iloobaan riyada beenta ah ee ay ku naawliyaan in shacabka Somaliland dib ugu soo noqdo midnimadii burburtay ee Somaliya.

Madaxweyne Siilaanyo, isagoo ka hadlaya madaxbanaanida Somaliland ee 25 jirsatay wuxuu yidhi “Rubuc qarni ayaa maanta laga joogaa markii aynu la soo noqonay Madax-bannaanideenii inaga murkacatay 1960-kii.

Muddadaa shan iyo labaatanka sannadood ah ee aynu ahayn Dal iyo Dawlad xor ah, waxa hubaal ah in aynu gaadhnay guulo waaweyn oo ina ilawsiiyey xanaftii iyo xannuunkii inaga soo gaadhay 31 sanno ee aynu ka midka ahayn Dal-weynihii Soomaaliya.

• Waxaynu yagleelnay qaran taabo-gal ah, oo buuxiyey dhammaan shuruudihii dawladnimo.

• Waxaynu tirtirnay keli-talisnimadii iyo nidaamkii ku dhisnaa amar ku taagleynta.

• Waxaynu meel-marinay doorashooyin xor ah iyo nidaam dimuqraadiyadeed oo ay inagaga dayan karaan dalal badan oo dunida laga aqoonsan yahay.

• Waxaynu xaqiijinay in aynu khilaafka dhexdeena ku xalinno xigmad siyaasadeed iyo xeer-beegtinimo salka ku haysa dhaqankeena soo-jireenka ah, iyadoo aanay cidina gacan ka geysan ama la ina dhexgelin, taas oo muujinaysa bisaylka Bulshada Somaliland.

• Waxaynu ku tallaabsanay horumar mug iyo miisaan leh oo wax-weyn ka bedelay adeegyada aasaasiga ah ee bulshada, kaabayaasha dhaqaale iyo hantida gaarka loo leeyahay.

Maanta oo aynu jirno qarni rubucii, dugsiyada Dhexe/Sare ee dalka waxa ku jira rubuc malyuun Arday, taasi waxay muujinaysa faraqa isbeddelka korodhka iyo koboco Bulshada Somaliland ku yimi muddadii aynu ahayn dal madax bannaan.

Guushaa ballaadhan ee inoo soo hoyatay, waxa galladdeeda koowaad iska leh Allaheenna Weyn ee awoodda badan.”

Madaxweyne Siilaanyo wuxuu khudbadiisa ugu duceeyay mujaahidiintii u geeriyootay dib u xorayntii dalka, isagoo sidoo kale u mahadceliyay siyaasiyiintii kursiga uga horeeyay ee nool ee kala ah Daahir Rayaale Kaahin iyo saddexda madaxweyne-xigeen ee Xasan Ciise Jaamac,. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax iyo Axmed Yuusuf Yaasiin. Wuxuu kale Alle naxariis uga baryay labadii madaxweyne ee ugu horeeyay ee Somaliland Cabdiraxmaan Axmed Cali iyo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

Isagoo madaxweyne Siilaanyo ka hadlaya midnimadii burburtay ee Somaliya wuxuu yidhi “Midowgii dhex-maray labadii dal ee Somaliland iyo Soomaaliya 1960, wuxuu bur-buray 18-kii May 1991-kii. lama mahadin midnimadii Soomaaliyeed ee muddada dheer la naawilayey.

Nasiib darro, waxa laga dheefay oo qudha nacayb, niyad jab iyo naxli la dhex-dhigay Ummaddii Soomaaliyeed ee hilowga iyo kalgacalka isu-haysay.

Dhinaca kale, Sawirkaas xumi wuxuu u quusgooyey qaybihii kale ee quud-daraynayey in ay mustaqbalka ku soo biiraan Qaran weyn oo ay Qoomiyadda Soomaaliyeed ku dhan tahay.

• Haddii Soomaliyi wada noolaan kari weyday, wuxuu caqliga fayoobi ina farayaa inay iskeed u kala noolaato.

• Haddii wax la wadaagi kari waayo, waxa furan in wax la kala yeesho.

Sidaa darteed, waxaan aaminsanahay in talo wanaagsan iyo tallaabo sax ah ay qaateen walaaladeena Soomaaliyeed ee ku kala nool Jabuuti, itoobiya iyo Kiiniya.

Waxaan jecelahay in aan ku hambalyeeyo himilada toosan iyo horumarka weyn ee ay gaadheen dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalalkaasi.

Waxaan ahay Oday Guud oo Soomaaliyeed oo waaya arag ah, uma aqaan in ay tahay Soomaalinimadu Siyaasad iyo Sabo la wadaago. Hase yeeshee, Soomaalinimadu waa sinji ka dhexeeya ummad balaadhan oo aan dal iyo dawlad qudha wada lahayn.

Qoomiyadda Soomaaliyeed ee aanu ka midka nahay waxa mideeya abka, isirka iyo afka oo keli ah.

Duco-qabayaal,

Marka ay dhegahayaga ku soo dhacdo dhawaaqa Soomaaliyeey Toos, Toos oo isku Tiirsada, Jibaddii na Qaadi Jirtay iyo Jiidhkii Na Dubaaxin Jiray, Walaalayaal Xididkii dareemayaasha xambaari jiray waa idinkii jaray jiridiisii.

Waxaan idin leeyahay Soomaaliyeey, Gobonnimadii La gardaadiyey iyo gaawihii loo culay geelii dayr dhalka ahaa ee la isku sidkay, idinkaa gudhiyey, oo gacalkayow gacantiina ku gaagixiyey!

Walaalayaal,

Waxaannu nahay gob sabirka iyo in la isa-saamaxo taqaan, ma nihin dad cadho hayso, mana nihin dad calool xun iyo ciil kama korayaal.

Hase yeeshee, waxa habboon in aad garwaaqsataan xaqiiqda hortiina taal. Waxa habboon in aad kala garataan shalay iyo maanta inay kala duwan yihiin Dadka Reer Somaliland.

Waxaan idin leeyahay naftiina haku maaweelinina malo awaal iyo been aan misciriirtiina dhaafsiisnayn.
Sidaa darteed, Dadka iyo Dalka aan Odayga u ahay idiinma soo socdaan oo way tashadeen, ee duco-qabayaal idinkuna isku tashada oo aan kala turxaan la’aano.

Walaalayaal,

Murti Soomaaliyeed baa tidhaahda “Dan Buu Reer Guuraa”, haddii aannu ahayn shalay kuwii midnimada doortay ee isku darkii labada dal ka dambeeyey, maanta waxaanu doorbidnay in aannu noqono dal gaar ah.
Waxaannu dan moodnay in aynu kala noqono laba dal sidii aynu ahayn 56 sanno ka hor.

Waxaanu doorbidaynaa in aynu noqono deris wanaagsan iyo gacal is-dugsada oo nabad iyo niyad sami abid ku wada noolaada.

Maalgelinta Dekedda Berbera

Mudanayaal iyo Marwooyin,”

Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu difaacay heshiiska bilowga ah ee uu dawladda Imaaraadka Carabta kula galay dekedda Berbera. Waxa kale oo uu Madaxweyne Siilaanyo ka hadlay xidhiidhka Somaliland iyo dalalka jaarka ah, gaar ahaan Itoobiya iyo Djibouti, waxaanu yidhi “Dawladda Somaliland waxay qadarin iyo ixtiraam weyn u haysaa dalalka ay deriska yihiin ee Itoobiya iyo Jabuuti. Dalalkaas waxaynu nahay saaxiibo iyo jaal aad isugu dhow.

“Cadowgoodu waa cadowgeena, Cadowgeenuna waa Cadowgooda”

Waxaannu aaminsanahay in shucuubta ku dhaqan dalalka Geeska Afrika ay yihiin dad walaalo ah oo dano badan wadaaga.

Waxaannu aaminsanahay in Sareedada iyo Samaha Mid u Soo Kordhaa, uu Yahay Sed inta Kale u Siyaaday Sidaa darteed, waxaa maamulkayga ka go’an in aannu xoojinno xidhiidhka iyo wada-shaqaynta dalalka deriska ah, la iskana kaashado adkaynta amniga, la-dagaalanka argagixisada, budhcad badeedda, Tahriibka, Faqriga, Gaajada iyo Kootarabaanka ama Ganacsiga Sharci-darrada ah i.w.m.”

Wuxuu Madaxweyne Siilaanyo farriin u diray ururka IGAD, waxanau yidhi “ Waxaan ugu baaqayaa Beesha Caalamka, gaar ahaan Dalalka Midawga Yurub, Maraykanka, Midawga Afrika, Jaamacadda Carabta, Dawladaha IGAD in ay garwaaqsadaan qadiyada iyo xaqa aayo-ka-tashiga Shacbiga Somaliland, isla markaana aqoonsadaan qarannimadooda.
• Waxaan xog-ogaal ka ahay in qaar ka mid ah madax-dhaqameedyada iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolka Sool iyo Sanaag Bari ay ku jirto tabasho iyo saluug. Somaliland waxay ku soo caano-maashay in khilaafka dhexdooda yimaadda ay ku dhamaystaan wada-hadal, is-qancin iyo isu-tanaasul.

Waxaan aaminsanahay in wada-hadalku yahay dariiqa keliya ee lagu xalin karo turxaanta dhexdeenna taal.

Sidaa darteed, waxaan ugu baaqayaa walaalahayo wada-hadal iyo gogol nabadeed.”

Isgoo ugu dambayn shacabka Somaliland la hadlaya wuxuu yidhi “• Shacbi-weynaha Somaliland waxaan ugu baaqayaa:

In ay meel uga soo wada-jeestaan ilaalinta qarannimadooda, adkaynta nabadda iyo deganaanshaha dalkooda.

In ay u midoobaan maslaxadda iyo danaha guud ee dalka.

In ay meel uga soo wada jeestaan horumarka iyo dhismaha dalka.

In ay si mug leh uga qayb-qaataan Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha iyo Doorashooyinka dhici doona 27-ka bisha March 2017-ka.”