Nuxurka Khudbadaha Ay Shir Beeleedka Gacan-Libaax Ka Jeediyeen Siyaasiyiinta Cirro, Buubaa Iyo Mujaahid Axmed Mire

50
4009

Hargeysa(Geeska)-Qaar ka mid ah siyaasiyiinta magaca ku leh Somaliland, ayaa khudbado kala duwan ka jeediyay madasha uu ka socdo shirka Tol-wanaaje ee beelah Garxajis ee Buurta Gacan Libaax.

Siyaasiyiintan oo ka mid ah ergada shirka ka qayb galaysa ayaa kala ah guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Mujaahid Axmed Mire Maxamed iyo siyaasiga Ismaaciil Buubaa, waxaanay dhammaantood iska daba mareen baahida loo qabo in shirka laga soo saaro go’aamo sii xoojinaya midnimada umadda islamarkaana wax tar u leh shacabka.

Cirro:

Ugu horayn Cabdiraxmaan-Cirro ayaa hadalkiisa ku yidhi “Shacbi badan ayaynu nahay, deegaano badan ayaynu nahay oo xagaasna u xigta Selel iyo Awdal xagaasna Sanaag iyo Sool, markaas fariinta ugu horaysa ee aan is leeyahay way ka soo baxaysaa waa farriin midaysa shacbigeenaas kala deegaanada duwan ee kala reeraha ah ee ay imika ka muuqato kala qaybsanaanta badan, waxaan ku rajo weynahay oo kuna kalsoonahay inay shirkan ka soo bixi doonto talo qaran oo bogsiisa dhamaan boogaha uu qaranku tabaayo insha allaahu, Somaliland waxay maanta u baahantahay dib u curasho, dib u curasho ku salaysan cadaalad midnimo iyo walaalnimo iyo inaan la kala lahayn qaranka  oo loo siman yahay, waxaan ugu ducaynayaa inay ka soo baxaan waxii shacbigu ka filaayo waxii dhamaan gobalku ka filaayo mid shacbiga ka saara dhamaan waxyaabaha ay tabanayso, talada qaran ee dalkan badbaadisaana ay ka soo baxdo.”

Mujaahid Axmed Mire

Mujaahid Axmed Mire Maxamed oo isagu dhawaan dalka ku soo laabtay, ayaa yidhi  “Waxaan ku baraarujinayaa inuu yahay shir saamayn ku yeelan kara dalalka aynu jiiraanka nahay iyo wax alle iyo waxii Af-soomaali ku hadlaba, waxaan ku talinayaa oo aan idiin soo jeedinayaa guud ahaan shirka waxa ka soo baxaaya inuu noqdo wax qancin kara qofka Somaliland ee halka ugu bariyeeya degan iyo qofka Somaliland ee halka ugu galbeedaysa degan in midhaha aynu soo saaraynaa ay noqdaan wax dadka qancin kara oo umaddu ay ku faraxdo oo ku naalooto in shirka uu ka soo baxo ayaynu rajaynaynaa insha allaahu tacaalaa.

Waxa kale oo aaynu rajaynaynaa inay ka soo baxdo in aynu noqono kuwii dadka isku ururinaayay ee umadda midaynaayay ee aynaan noqon kuwa kala qoqobaaya ee kala qaybinaaya ee isku diraaya ee iska hor keenaaya, waxaynu rabnaa inuu ka soo baxo midhihii aynu gashanay ee halganka dhiigii daatay, ragii ku go’ay waxii ina soo maray taariikhdii in aanay ku lumin oo aanay dabayli qaadin ee ay noqoto mid dadka dhaqda.”

Ismaacil Buubaa

Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa), ayaa isna madasha shirkan ka hadlay waxaanu yidhi “Arimo farobadan oo maanta inoo yaala  ayaa loo baahan yahay in si daah furan oo aan gabasho lahayn loo waajaho, dadkeenana loo jeexo wado dhibaatooyinkan faraha badan ee inagu xeeran lagaga bixi karo, waynu ogsoonahay maanta Somaliland dhaqaalaheedu sida uu yahay, yuhuunta iyo wada-noolaanshaha dadku  sida uu yahay, waxa isku keen keenay waxa weeyaan inaan arimahaas ka tashano oo nafteenana wax u qabano dadka aynu la nool nahayna waxa aynu qabanaa uu noqdo wax gidi wada gaadha, maaha wax yar oo inaga inagu kooban.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here