Hargeysa (Geeska) – Qaar ka mid ah xawaaladaha Soomaalida ee caanka ah ayaa lagu eedeeyay inay lacago u gudbiyeen shakhsiyaad ay saarantahay xayiraad caalami ahi.
Wakaaladda Wararka Reuters ayaa khamiistii daabacday warbixin ay ku sheegtay in lacag ka badan 3.7 Malyan oo Doolar ay shirkadaha xawaaladaha Soomaalida qaarkood u kala gudbiyeen shaqsiyaad dunidu baadi-goob ugu jirto oo u dhashay dalka Yemen, kaas oo lagu eedaynayo inuu taageero kooxo argagixiso.
Warbixintan ay Reuters soo xigatay ayaa waxa samaysay hay’adda Global Initiative Against Transnational Organized Crime ee fadhigeedu yahay magaalada Geneva ee dalka Switzerland.
Warbixinta waxaa lagu sheegay 176 qof oo la tuhunsanyahay inay xidhidh la leeyihiin dadka ka ganacsada hubka sharci darrada ah ee u kala goosha Soomaaliya iyo Yemen.
Warbixintu waxay sheegtay in nin lagu magacaabo Sayf ABdulrab Salem Al-Hayeshi oo saddex sano ka hor ay Mareykanka cunaqabteyn saareen loo wareejiyay lacag ku dhaw 40 kun oo Doolar, waxaana ninkaan oo dhalashadiisa tahay Yemen lagu eedeeyay inuu taageero dhaqaale siiyo kooxaha Al-Qaacida ee ku nool Jasiiradda Carabta iyo Dowladda Islaamiga ah ee Yemen.
Shirkadaha warbixinta magacooda lagu faafiyay waxey kala yahiin Amal Express iyo Iftin Express kuwaas oo lacag ka qabtay macaamiishooda, waxaanay adeegsadeen shaambado ay ku lifaaqan yahiin magaciisa iyo naaneystiisa.
Shirkadda Iftin Express iyo Amal Express ayaa diiday warbixintan, waxaanay sheegeen inay waraaqaha ay hay’adu soo bandhigtay yihiin kuwo been abuur ah oo la macmalay.
Sida warbixintan ku cad labada shirkadood ee Dahabshiil iyo Taaj ayaan lagu helin wax lifaaq ah oo ku sabsan iney shaqsiyaad cunaqabteyn la saaray wax u wareejiyeen, balse waxaa warbixinta lagu sheegay in shaqsiyaadka ay isticmaaleen magacyo kale taasna ay tahay wax xad gudub ku ah sharciga.
Inkastoo Dahabshiil ay sheegtay iney gabi ahaanba joojisay xawilaadii u dhaxeysay dalalka Soomaaliya iyo Yemen, hadana warbixinta waxey sheegeysaa in hal nin uu adeegsaday 24 magac isagoo adeegsanaya afartan shirkadood, inkastoo ay shirkadani ku dooday inaan macmiilka loo ogolaan karin inuu adeegsado aqoonsiyo iyo telefoono badan.
Arintaan waxay sare u qaadeysaa walaaca ay wajahayaan shirkadaha xawaaladaha Soomaalida kuwaas oo shuruudo badan lagu xidho marka ay doonayaan iney lacago u kala xawilaan wadamada dibadda.
Geeska.net/Hargeisa Office