Ninku Waa Uu Ka Dheeraadaa In Uu Xidhiidh La Yeesho Gabadh Ka Fariidsan

0
612

Washington (Geeska)- Aragti iyo faham kala geddisan ayaa ay raggu ka qabaan dumarka,in kasta oo ay ragguna in badan ku doodaan in aanay ka durkin dumarka fariidnimada badan ama ay jecel yihiin in ay xidhiidh la yeeshaan, haddana hab-dhaqankooda iyo sida ay dumarka ula kala xidhiidhaan ayaa marag u ah sida ay uga gaabiyaan xidhiih ay la abuurtaan gabadh ka maskax badan.

Waa run in rag badani ay dood kala hor yimaaddaan aragtida sheegaysa in ninku aanu jeclayn xidhiidh uu la yeesho gabadh ka fariidsan, hase ahaato ee cilmibaadhis cusub ayaa mar kale daahfurtay in ragga badankoodu aanay jeclayn in ay xidhiidh la yeeshaan gabadha ka fariidsan.

Cilmibaadhis ay sameeyeen saddex jaamaadood oo ku kala yaalla New York, California iyo Texas oo dhammaantood dalka Maraykanka ah ayaa tirokoobkeedii koowaad lagu ogaaday in boqolkiiba 86 raggii wax la weydiiyey ay sheegeen in aanay dhib u arkayn in xidhiidh ay la yeeshaan gabadh ka fariidsan, laakiin waxa ay xeeldheerayaasha cilmibaadhistan ballaadhan sameeyey daraasayn dheeraad ah kadib xaqiijiyeen in warkaas ay raggu sheegeen aanu sidaas ahayn.

Natiijada cilmibaadhistan uu Geeska Afrika soo turjumay oo lagu baahiyey degelka internet ka ee wargeyska Deutsche Welle oo ka soo baxa dalka Jarmalka, ayaa intaas ku daraysa in raggan oo mar kale mid mid tijaabo iyada oo si qarsoodi ah loogu bandhigay dumar ay kala doortaan, waxaana soo baxday in mid kastaa uu doorbiday gabadha uu u arkay in ay ka fariidnimo hoosayso, taas oo tijaabadii cilmiga ahaydna ku caddaatay.

Waxa ay khubaradu dareemeen in raga badankoodii ay ka warwareegeen ama ugu yaraan ka caga jiideen in xidhiidh iyo ballan qaad kulan ay la sameeyaan gabadha ay sheeko dheer iyo dood kadib ka dareemaan fariidnimo tooda ka badan.

Cilmibaadhayaasha oo arrintan si gaar ah u sii baadhay ayaa ogaaday in sababaha ragga arrintaas ku kallifayso ay ugu horreyso qabka ku abuuran iyo dabeecadda ninka ee ah in uu isagu naftiisa wax kasta oo kale ka horumariyo, isaga oo ka baqo qaba in la isugu yimaaddo sarrayntiisa iyo mustawaha ragannimo ee uu isla taagan yahay ayaanu markaba geeska geliyaa gabadha fariidnimo tiisa ka badan uu ku arko, si uu uga hortago in ay qab jebiso ama iyadu ka sarrayso