Nin Somaliya Ka Soo Noqday Wasiirka Gaashaandhiga Oo Shalay Muqdisho Qarax Lagu Dilay

0
603

Muqdisho(Geeska)-Muxiyadiin Maxamed Xaaji oo soo noqday wasiirka gaashaandhiga ee Somaliya ayaa shalay lagu dilay magaalada

1

Muqdisho.Marxuumkan ayaa lala eegtay qarax baabuurkiisa loogu xidhay, waxaanu u geeriyooday dhaawac xun oo ka soo gaadhay qaraxaas.

Muxyadiin ayaa ahaan jirey Wasiirkii Gaashaandhigga ee Xukuumaddii Nuur Cadde ee ka dambaysay Cabdillaahi Yuusuf Axmed, waxaanu degenaa magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo la sheegay in gaadhigiisa lagu sii xidhay ayaa ka dhacay agagaarka Cisbitalka xanaano ee ku dhow isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho. Qaraxaas waxaa sidoo kale ku dhaawacmay nin oday ah oo gaadhigaasi la saarnaa.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa cambaareyey dilka Allaha u naxariistee Marxuum Muxyadiin Maxmaed Xaaji Ibraahim.