Nin Lagu Eedeeyay Inuu Inan Yar Qashay Oo Lagu Qabtay Togdheer

0
654

Hargeysa (Geeska)-Ciidanka Booliska Gobalka Togdheer ayaa Gacanta ku Dhigay Nin Dhalasho ahaan ka soo Jeeda Wadanka Itoobiya,  gaar ahaan Qowmiyadda Oromada  Oo lagu eedeeyay inuu habeen hore makhribkii inan  Yar Oo Lagu Magacabo Xamda  Ku qashay Degaanka Wadhan Oo ah Agagarka Magaalada Burco isla markaasna waxa la sheegay in inanta yar Ee Uu dhaawacay ninkani Lagu War Helay iyadoo Mayd ah isla mar ahaanta gabi ahaanba uu Dhigii ka Jaqay Ninkani.

1

 Taliyaha Ciidanka Booliska Togdheer Axmed Maxamuud Guutale oo Warbaahinta kula hadlayay xafiiskiisa ayaa ka waramay dhacdadan naxdinta leh waxaanu sheegay in ninkani dad ka soo jeeda wadanka Itoobiya  sida ugu dhakhsaha badan ay  sharciga u hor keenin doonaan isla markaana  Maxkamada soo taagi doonaan.

Dhinaca kale Taliyaha Ciidanka Booliska Togdheer Axmed Maxamuud Guutale ayaa waxa uu ka waramay sidii ay ninkan ku qabteen, waxaanu Taliyuhu sheegay in Inantan yar la qashay in Maydkeedii la geeyey Cisbitaalka guud ee Burco, halka Ninkan gacan ku dhiigalaha ah ee Inanta yar qashay lagu xidhay Saldhiga dhexe ee Burco.

Haddaba dhacdadan oo ah dhacdo naxdin iyo argagax leh, isla makaana aad u xun ayaa ah dhacdo aad looga murugoodo, oo dad badan oo reer Somaliland ahi ka naxeen,