Lascanod(Geeska)-Wararka ka imanaya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in habeen hore ay dablay huubaysani dileen nin lagu magacaabi jiray Cabdillaahi Maxamed Axmed (Carabey) oo hore uga tirsanaa ururka al Shabaab.
Dablay hubaysan ayaa dhowr xabo oo rasaas ah kaga dhufatay madaxa xilli uu sii galayey masaajid ku yaalla magaalada Laascaanood, sida ay baahisay idaacadda VOA.
C/laahi Maxamed Axmed (Carabeey) oo ayaa la sheegay in hadda ka hor laga soo qabtay deegaanka Xidhxidh ee gobolka Sool, iyadoo muddo uu xidhnaa ka dib la sii daayay.
Ma jirto cid sheegatay dilka ninkan oo ay walaalo yihiin Xildhibaan Dhakool oo ka tirsan golaha wakiilada.