Nin Hindi Ah Oo Sanka Ka Jaray Gabadhiisa Oo Meherkii Uu Ka Rabay Iska Bixin Kari Weyday

0
790

1Delhi (Geeska)- Nin u dhashay dalka Hindiya ayaa mindi sanka kaga jaray xaaskiisa oo uu ku eedeynayey in ay meherkii iska bixin kari weyday, sidaa awgeedna caqligiisu siiyey in uu fool xumo gaadhsiiyo si uu u furo oo dabadiina fool xumida awgeed aanay nin dambe u guursan.

Maangaabkan ayaa ku kacay falkan xanuunka badan kadib markii gabadha qoyskoodu uu awoodi waayey in uu bixiyo meherkii sida dhaqanka dadkaasi yahay laga rabay in ay siiyaan ninka ka guursada gabadha. Sida uu ku warramay wargeyska Daily Mail oo faafiyey warkan uu Geeska Afrika turjumay ayaa sheegay in Sanjeev Rathore oo 27 jir ahi uu guursaday Kamlesh Rathore oo ah 25 jir ka dhalatay qoys faqiir ah, muddo hadda laga joogo 8 sano, muddadaasna uu si joogto ah u garaacayey isaga oo ku haysta sababta ay qoyskoodu u bixin waayeen meherkii uu ku guursaday oo ahaa lacag u dhintan 550 doolarka Maraykanka ah.

Ninkan ayaa markii uu falkan geystay baxsaday isaga oo sii qaatay cadkii uu sank aka gooyey si aanay dhakhaatiirta ugu suurtogelin in ay dib ugu kabana. Qaybo badan oo ka mid ah qawmiyadaha dalka Hindiya ayaa dhaqan u leh in qoyska gabadha dhalay ay lacag meher ah siiyaan ninka inanta ka guursaday, taasina waxa ay keentaa in qoysaska faqiirka ah laga guursan waayo hablaha iyaga oo raggu doorbidaya in ay guursadaan hablaha qoysaskoodu lacagta leeyihiin si ay isugu helaan gabadh iyo adduun.