Niman U Dhashay Dalka Imaaraadka Carabta Oo Dalka Ka Dhoofay, Ka Dib Markii La Sheegay In Xukuumadu Ka Joojisay Hawlo Ugaadhsi Oo Ay Gobalka Saaxil Ka Fuliyeen

0
1606

Hargeysa(Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa la sheegay inay hawlo ugaadhsi ah ka joojisay niman u dhashay dalka Imaaraadka Carabta, oo dhawaan socdaal ku yimid dalka.

Nimankan u dhashay Imaaraadka Carabta, ayaa waxay socdaal ku tageen deegaano ka tirsan gobalka Saaxil, iyadoo dalxiisayaal u muuqday, waxase la sheegay inay hawlo ugaadhsi dhinaca shimbiraha ah ka bilaabeen deegaanadaas, waxaana la sheegay inay hay’adaha ammaanka ee xukuumadu ka joojiyeen hawsha ugaadhsiga, ka dib markii ay dadka deegaanku soo wargeliyeen ciidamada ammaanka.

Kooxdan oo uu weheliyay wakiilka Somaliland ee dalka Imaaraadka Carabta, ayaa shalay gelinkii dambe ka dhoofay madaarka Cigaal iyagoo ay tiradoodu ahayd 18 ruux. Inkastoo ay nimankani ka dhoofeen qolka VIP ee madaarka Hargeysa, haddana waxa la dareemayay in bixitaankoodu u muuqday qarbo-qarbo.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Faratoon, ayuu Geeska Afrika wax ka weydiiyay warar sheegaya in nimankaas la masaafuriyay, waxaanu Wasiirku yidihi“Anigu cid la mustaafiyey iyo cid kale ma aqaano, mana maqal cid xoog lagu mustaafuriyey,  laakiin waxa jiray nin Imaaraadka ah oo dalka joogay, oo arin yar  la isku afgaran waayey, ee ciddina ma mustaafurin, xoogna laguma mustaafurin, ee isaga ayaa iskii u tagay”.

Wasiirka waxa uu Geeska Afrika weydiiyay waxa ka jira wararka sheegaya in nimankaasi ugaadhsanayeen qaar ka mid ah duur-joogta gobalka Saaxil, xukuumaduna ka joojisay, waxaanu Wasiir Faratoon yidhi  “Waxay doontaba ha noqotee, haddii uu ninkaasi tagay, isaga ayaa iskii u tagay, kolay Dawladdu xoog kumay mustaafurin, mana maqal”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here