Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, isla markaana ah Xildhibaan ka soo baxay Xisbi Xaakimka, oo inta badan aad u dhaliila Xukuumadda, ayaa waxa uu ka digay muddo kordhin ay Xukuumaddani damacsan tahay, waxaanu Bulshada ugu baaqay in haddii ay maalin ku kordhisato marka uu dhammaado wakhtigii la doortay inay iskugu soo baxaan Mudaharaad ka dhan ah Xukuumadda, dhammaan Gobolada dalkana la iskaga soo baxa, waxaanu Shacabka ugu baaqay in wax walba oo ay Xukuumaddu adeegsato in aan loo joojin.
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa sidoo kale waxa uu Shacabka reer Somaliland ee ku dhaqan dhammaan Gobolada, Magaalooyinka iyo Degmooyinka dalka ugu baaqay in aanay is diiwaangelin, waxaanu xusay in Diiwaangelintani ay tahay mid cadaalada ka fog oo Wasaaradda Arrimaha Guddaha oo qudhi wadato. Wuxuu hadaladan ka jeediyay shirjaraa’id oo ay shalay qabteen magaalada Hargeysa . “Golahayaga dood ayaa ka socota Maanta, doodaasi waxa kale maaha ee waa Diiwaangelin tuurta lagu sito,oo cidii la doono la diiwaangelinayo cidii la doonaana aan la diiwaangelinayn, oo aan caddeyn, oo imika matalan tan cod bixiyayaasha waxa goobta fadhiya Xisbiyadii Qaranka, waxa fadhiya Muraaqibiintii, Booliskii ayaa jooga, Daakhiligii ayaa jooga, waa wax sugan oo la wada arkaayo,”.
Xidhibaan SIciid Cilmi Rooble oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Tan Diwaangelinta waxa la yidhi Daakhiliyada oo keliya, Cali Waran-cadde ayaa tuurta ku sita, qaab alaale qaab loo diiwaangelinayaana ma jirto, nidaamka caynkaas ah ayaa doonaya inuu Labo Sanno ama Saddex Sanno korodhsado, diidnay dhaha, Gabiley diida, Booramay diida, oo Ceerigabo diida,oo Burco diida, oo Saaxiilay diida, oo Hargeysa diida, ma tan ayaa Laba Sanno oo dambe ina hayn karta, oo maxay inaga hayn haddii Labo Sanno oo dambe korodhsato,”.
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo sii wada dhaliilaha uu u soo jeediyey Xukuumadda ayaa yidhi “Anigu waxaan leeyahay nidaamkani ha dhaco, oo ha la rido, waxaana leeyahay Shalay waa kii Sillaanyo Mudaharaadka inagu hor kaacayey, ee Mudaharaadka kiisi ayeynu keenaynaa, oo Midaamul Taxriir ayeynu sideenii u keenaynaana, weynu kacaynaa, maaha in rasaas dadka lagu laayo, aad iyo aad ayaana uga xumahay arinkaas umadda ku dhacay, haddii aad tihiin Dila, Boorama ama Gabiley, Berbera wey idinla qeysanaysaa baroor diiqda, Hargeysa wey idinla qeysanaysaa, Burco wey idinla qeysanaysaa, Ceerigaabo wey idinla qeysanaysaa, waxaas dhacayna waxan labaad ee sameeyeyna waa meel ka dhac.”
Xildhibaan Sciid Cilmi Rooble ayaa Bulshada ugu baaqay in Xukuumaddani marka uu wakhtigeedu dhammaado in aanay maalin ugu darin, waxaanu yidhi “Waxaan leeyahay nidaamkaasi yaanu inagu dhaafin 26-june, Maalin haddii uu inagu dhaafo, waa in Lixda Gobolba laga soo baxaa, oo Lixda Gobolba laga mudahaarada, diidnay waa in la yidhaahda, haddii uu ka tagi waayo, waa in sidii Caalamka aynu Madaxtooyada galnaa inaga oo Shacab ah.”