Nidaamka Garsoorka Soomaailaan Oo Tallaabo Kale Oo Horumar Leh Qaaday

0
797

Hargeysa(Geeska)- Nidaamka Garsoorka Soomaaliland ayaa maanta tallaabo horumar leh u qaaday sidii ay u xaqiijin lahaayeen yoolkooda ah “Cadaalad loo dhanyahay”, xaflad lagu daah-furay nidaam koombuyuur oo casri ah, oo lagula soconayo gal-dacwadeedyada, lagagana guurayo nidaamkii hore ee waraaqaha ku salaysnaa.

“Waa arrin aad u wanaagsan. Hufnaanta shaqona kor u qaadaysa,” ayuu ka sheegay madasha, Wasiirka Cadaalladda iyo Arrimaha Garsoorka  JSL, Mudane Axmed Faarax Cadare. “Taabasho keliya ayaa kaa xigta si aad u hesho warbixin dhamaystrin  oo ku saabsan gal-dacwadeedka.”

Xafladda maanta oo Isniin ah lagu daah-furayey nidaamkan casriga ah ee koombuyar waxa maal-gelinteeda bixisay Dawladda Ingiriiska, iyada oo kaashanaysa hayadda Axiom. Arrintan ayaa ah bilaw u ah mashruuc tijaabo ah oo lagu casriyaynayo diiwaanadda sharci ee waaxda garsoorka.

 “Tan waa bar-bilow,” ayuu yidhi Gudoomiyaha Maxkamadda Sarre Aadan Xaaji Cali.  “Waxa aan ku dadaalayaa in nidaamku guulaysto,” ayuu u sheegay dadkii martida ahaa iyo todoba qof oo shahaadooyin lagu siiyey tababar ku saabsan sida nidaamka loo adeegsanayo.

“Waxa aan rajaynaynaa in aad nidaamkan gaadhsiino maxkamaddaha goboladda iyo hayadaha kale ee dawladda, sida Laanta Socdaalka tusaale ahaan, si aanu qof kiis lagu soo oogay ama waaran qabasho uga dhoofin garoonadda diyaarada,” ayuu sheegay.

Joe Holmes, oo ay Axiom u xil saartay yagleelida nidaamkan cusub, ayaa isna sheegay, in uu nidaamkan caawin doono Soomaalilaan “ sidii ay ula mid noqon lahayd ama ugaba horayn lahayd dhanka maamulka gal-dacwadeedka wadamada Bariga Afika.” “ Waa talaabo aad u weyn oo lagaga guurayo nidaamka haatan jira.”

Nidaamkan ayaa ogolaanaya in uu diiwaangeliyo xogta gaarka ah ee kooxaha jilicdasan sida carruurta darbi-jiifka ah, danyarta, dumarka ama dhallinyaradda, si loo baadi-sooco nooca danbiga ah ee ay galeen-laga bilaabo falalka argagaxiso ilaa kuwa la xidhiidha tacdiyada dumarka lagula kaco.

Waxa uu  sidoo kale nidaamku la socon doonaa xogta garsoorayaasha dacwada qaadaya, noocyada kiisaska iyo qaab-dhismeedka gal-dacwadeedyada.

Soomaalilaan ayaa ku hawlan sidii ay u horumarin lahayd bahda garsoorka, bilayska iyo hayaddaha ammaanka ee qaabilsan la dagaalanka argagixsada, iyadda oo taageero ka helaysa dawladda Ingiriiska iyo deeq-bixiyaasha kale si xidida loogu siibo faafitaanka argagaxisada ee Bariga Afrika, loona sii xoojiyo sumacadda Soomaalilaan ku kasbatay xasiloonideeda, iyada oo ku dhex jirta gobol qasan.