Nabad Iyo Caano, Nagula Ciida

0
879

Picture6Allaha aanu nimcadiisa la’aanteed samuhu dhamaystirmeen baa mahadleh, Allaha mar kale fadligiisa nolol innagu gaadhsiiyey bishii soon, ee haddana inna waafajiyey in aynu ku khatinno af-xidhnaantii, salaaddii, sadaqadii iyo Qur’aan akhriskii ayaa mahadleh. Intaas oo la innaga aqbalaa dunida iyo waxa guud yaallaba ka fadlin badan.

Islaamku waxa uu leeyahay laba ciidood oo mid kastaa gaar u leedahay wanaag iyo qurux aanay tan kale la wadaagin, ciidaha ummadaha kalana aanay la wadaagin, waa soon-fur oo loo dabbaal dego farxadda dhammaysashada bishii af-xidhnaanta iyo cibaadada iyo carafa oo aynu u damaashaadno dhammaysashada cibaadada weyn ee Xajka.

Maanta waxa aynu sagootinnay bishii Ramadaan ee barakada badnayd, cibaadada ka sokow, waxa ay ahayd dugsi Rabbaani ah, oo aynu ka baranaynay sabirka, dulqaadka, xusuusta masaakiinta, samaanta iyo Alle ka cabsiga.

Guud ahaanba hawlwadeennada Wargeyska Geeska Afrika oo ay ku jiraan wargeysyada ka farcama ee THE HORN iyo Ciyaaraha waxaa maanta farxad u ah in ay sannad kale akhristayaashooda, muwaadiniinta reer Somaliland, dadka Afsoomaaliga ku hadla iyo guud ahaanba dunida muslimka ah nabad iyo caano kula ciidaan, iyaga oo leh, “Nabad iyo Caano nagula ciida”

Wargeyska Geeska Afrika waxaa sharaf iyo farxad u ah in uu dhammaantiin idinla wadaago farxadda maalmahan qiimaha badan, in uu raynrayn iyo rajo wanaagsan idiin filo iyo in uu dadka iyo dalka Somaliland ba barwaaqo iyo badhaadhe ku sugo, innaguna simo ciido badan oo dambe oo dafarxad, leh, dalkeennuna amni, barwaaqo iyo isku duubnana ku damaashaado.

Munaasabadda Ciidda waxa uu Geeska Afrika uga faa’idaysanayaa in uu dhammaan muwaadiniinta kula dardaarmo, gudashada waajibaadkooda diiniga ah, isu-naxariisashada, samofalka, is-gacan-qabashada, qaraabada xidhiidhinteeda iyo caawinta dadka baahan.

Waxa uu Geeska Afrika muwaadiniinta u rajaynayaa berri qurux badan, waxa aanu kula dardaarmayaa masuuliyiinta qaranka iyo muwaadin kastaba in dhammaanteen xilka  aynu hayno aynu Alle ku xasuusanno, daacadnimo iyo hufnaanna waajibaadkeenna bulsho u gudanno, innaga oo niyadda ku hayna in adduunka dushiisa ay taariikhdu innagala xisaabtami doonto, aakhirana Alle hortiisa la innagaga waraysan doono waxa aynu falnay wanaag iyo xumaan iyada oo la innagu abaal marinayo hadba wixii ay inoo goyso jawaabteennu.

Waxa aanu Alle ka baryeyaa in uu samaha innagu waariyo, xumaantana innaga dheereeyo, jidka guushana innagu hanuuniyo, sannadka sannadkiisana nabad iyo caano, nolol raaxo leh iyo qarankeenna oo sharaf ku dhisan innagu kulmiyo.

Geesta kale waxa uu Wargeysku akhristayaashiisa ku wargelinayaa  in maalinta Sabtida ee beri oo uu  wargeyska soo bixi jiray aanu soo bixi doonin munaasibada ciidal fidriga awgeed. Waxaanu cadadkaas Sabtida akhristayaashiisa ugu bedelay cadadkan soo baxay Jimcahan maanta. Sidaas darted wuxuu wargeysku akhristayaashiisa kala duwan ee ku xidhan ku wargelinayaa inay la socdaan inaanu Wargeysku soo bixi doonin Sabtida beri haddii Alle idmo. Ciid wanaagsan