Muxuu Madaxweyne Siilaanyo Ka Doonay Faransiiska Iyo UK?

0
591

Picture5Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa dalka dibada uga dhoofay isaga oo sheegay inuu tagi doono dalka Faransiiska oo uu sheegay in uu martiqaad rasmi ah ka helay isla markaasna ay ka wada hadli doonaan arimo badan oo dhanka ganacsiga iyo nabadgalyadaba leh.

Waxa madaxweynuhu kale oo uu sheegay in arimo caafimaad uu u tagi doono dalka Ingiriiska halkaas oo uu muddo fasax ah ku soo qaadan doono waxaana isaga oo warbaahinta kula hadlaayay madaarka waxa uu yidhi “Wafti aan hogaaminayaa waxa uu u anbabaxayaa dalka Faransiiska anaga oo halkaas marti qaad ka helnay, waxa nagu soo biiri doona aniga iyo wasiirka qorshaynta Sacad Cali Shire, wasiirada arimaha dibada, ganacsiga iyo madaxtooyada, dalka Faransiisaka ayaanan u tagi doonaa martiqaad nalooga fidiyay, dalka Faransiisku waa dal weyn oo xidhiidh inaga dhaxeeyo, waa dal aynu doonayno in wax wada qabsigeenu halka uu maraayo aynu ka sii kordhino, xag ganacsi hanoqoto ama dhan nabad galyo, mar walba inaan siyaasadeena fidino oo dunida aan la xidhiidhno oo aynu kordhino wada shaqaynta aynu la yeelanayo dawladaha waaweyn, si xidhiidhkeenu uu u noqdo mid wax ku ool ah, martiqaadkaasuna waa mid aanu aad ugu faraxsanahay, waana mid aanu rajaynayno inuu wax dhalo, dalka Itoobiya ayaanu mudo kooban sii joogi doonaa waanan ka sii gudbi doonaa,waxaanan rajaynaynaa in shirkayagaasu uu noqon doono mid lagu guulaysto, waxaanan uga sii gudbi doonaa dalka Ingiriiska halkaas oo aan fasaxayga ku qaadan doono oo dhanka caafimaadkayga iyo dano kale oo aan leenahay inaan ka yara fushanaaa laga yaabaa,Allena waxaan ka rajaynayaa in inaga oo nabad qabna oo caafimaad qabna uu isku keen soo celiyo.”

Madaxweynaha oo hadalkiisa siiwataa waxa uu yidhi“Waad ogtihiin in shirkadae Bollore ee Faransiiska ay kamid tahay shirkadaha doonaya inay dekeda Bebera wax ka qabtaan oo ay maal gashadaan, waana shirkad Afrika iyo dunidaba maalgashi ku leh, markaas waxii inoogo furan ee aynu la qabsan karnaba waynu la qabsnaynaa dhinacay doontaba ha noqotee.”