Hargeysa (Geeska)-Guddoomiye ku-xigeenka Saddexaad ee Xisbiga UCID Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali-gurey) oo shalay saxaafadda kula hadlay Hargeysa ayaa ka hadlay isbedelada siyaasadeed ee dalka ka socda iyo xaaladda xisbiga UCID.
Mr. Cali Guray waxa uu sheegay garabkii Isbahaysiga ee ku biirray Xisbiga WADDANI inaanay wax-ba ku soo kordhin karrin ee ay wax yeelleen, waxaannu yidhi “Nololashii Xisbiga UCID shan iyo toban cisho ayaa nooga hadhay, haddii shan iyo tobankaa cisho kadib Faysal Cali Waraabe inta Katiinad lagu xidho Xabsiga la dhigi waayo Xisbi UCID la yidhaahdaa ma jiro. Maxkamaddu waxay na fartay in Lixdan Cisho gudahood Shirweyne lagu qabto, Faysal-baa diidday.” ayuu yidhi Cali oo intaas raaciyay “Annagu alaab meel taalla ma nihin, UCID dan-baannu u nimid, balse waanu ku guulaysanay ujeeddadii hore oo ahayd inaan UCID kaalinteedda laga saarin oo aannu Urur booska ka riixan, arrinta labaadna waxa ay ahayd inaanu gaadh-siino Xisbul-xaakim, taanna Faysal Calibaa diiddan. Maanta Xisbinnimadii way sii yarraanaysaa oo waad ogtihiin, intaa wixii ka dambeeya tartanku waxa uu u dhaxeeyaa Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Cirro."
Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee Xisbiga UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), oo ka jawaabaayay su’aal ahayd in haddii uu Jamaal ku guuldaraysto Murashaxnimaddiisa uu taageeri doono Muuse Biixi Cabdi, waxaannu yidhi “Taasi waa qiimayn oo Clinton iyo Trump midkee soo baxaaya…? Waxaan ku salleeyay qoladii Wasiirrada ahayd ee WADDANI galay labadda Nin ee ugu culusi waa Maxamed Biixi iyo Xirsi waxay eegnaa waxay u gooyaan, wax-bay yeelleenne wax-ba maytarin. Muuse Biixi waan taageerayaa haddii ay ila noqoto oo aannu sheekaysanno, laakiin wali Murashaxaygu waa Jamaal Cali Xuseen.”Ayuu yidhi Cali Guray.