Muuse Biixi Oo Ku Dooday Inuu Kalsooni Ku Qabo Madaxweyne Siilaanyo, Iskuna Hubo Codkiisa

0
526

Picture6Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay khilaafka baryahan warbaahintu qoraysay inuu ka soo dhex cusboonaaday gudaha xisbiga Kulmiye.

Guddoomiye Muuse Biixe waxa uu sheegay in aan xisbiga wax muran ah ka taagnayan, isaga oo qiray in ay jiraan dad uu ku sheegay inay fidno ka dhex wadaan xisbiga gudihiisa, isla markaasna madaxweynaha marar badan xisbiga uga geeyay arimo aan jirin. Muuse biixi markii ugu horaysay waxa uu si cad u sheegay in madaxweyne Axmed Siilaanyo uu kalsooni boqolkiiba boqol ah ku qabo, waxaanu si cad u sheegay haddii cidi kula tartanto musharaxnimada xisbiga inuu isku hubo codka madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Waxa uu sidan ku sheegay guddoomiye Muuse Biixi shir jaraa’id oo si xamaasad leh uu ugu qabtay xafiiskiisa isaga oo dhanka kalena jawaabo u diray dad uu sheegay inay canaan mudooyinkan u soo jeedinayeen, waxaanu hadalkiisa ku duray xubno golaha wasiirada ku jira oo uu sheegay in ashkatooyin aan fiicnayan ay madaxweynaha uga geeyaan.

Guddoomiyaha xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo arimahaas ka hadlaayay waxa uu yidhi“Waxaan soo noqnoqday laba qodob oo aan doonayay inaan iftiimiyo xisbiga Kulmiye shirkiisa dhawr jeer ayaa dib loo dhigay sababta imika dib loogu dhigayna iyo marki horeba waa hawl qaran, mar walba waxa soo dhacda madaxweynaha oo ah odaygii xisbigan ah, oo xisbigani doortay, oo aan la’aantii la furayn shirka, markii aanu hada diyaar garawnay ee aanu qabsanay 21 bishan, shir aan hore noogu sii qorshaysnayn oo dan qaran ah oo wakhtigaas ku beegmay ayay noqotay inaan u hakino furitaanka shirkaas inta madaxweynuu soo noqonaayo,madaxweynaa arintaas hore waanu uga wada hadalnay waxaanan isla af garanay inaan shirka la’aantii la furi karayn oo aad hawshan u baxdo oo intaad soo dhamaynayso anaguna aanu diyaar garawga sii wadno, adoo jooga in la furo imikana halkii ayay taagan tahay madaxweynuuna intuu maqan yahay waanu sii diyaar garoobaynaa si xawli ah markay hawluu noo dhamaadaana waanu furaynaa oo taas ayaanu heshiis ku nahay.”

Gudoomiye Muuse oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Waxa soo noqotay Kulmiye waa uu is khilaafsan yahay, wiigana waad faafiseen(warbaahinta) oo waxaad tidhaahdeen guddoomiyaha iyo madaxweynuu way is khilaafsan yihiin. Taageerayaal badan oo xisbiga Kulmiye lexejeclo ka qaba  in badan ayaa aniga I canaanatay, waxa laygu yidhaahdaa baryahan maad hadlin,xisbigii waa uu shiikhay,dawladii way durdurisay, xisbigii waa lagaala wareegay ee maxaad meesha ka qabanaysaa mawqif qaado. Waxaan qaatay oo aan xisbiga ku hogaaminayaa hadaan odaygiisii ahay, xisbigaas Kulmiye kii cadhooda in la ladqabeeyo,kii wax tabanaaya in la bogsiiyo,in madaxda xisbiga oo aan kaw ka ahay laga gardarnaado oo ay qaataan,in waxii ku yimaadba ay dhulka dhigaan oo walaalow iyo maxaa inaga xun uun ay wax ku wadaan, qof walba inaga oo qancinay oo is wadana aynu halkeeda gaadhno, mawqifka aanu qaadanay waakaas, ninkasta oo wax ka tabnaaya xisbiga waxa qeexaya sida loo xalinaayo qodabka 55-aad ee dastuurka xisbiga,kaas ayaa loo marayaa, waxa ku xiga qodabka 56-aad ee xisbiga oo ah anshaxmarinta, xisbiguna waxa uu xisbiyada kale kaga duwan yahay inuu leeyahay dastuur uu ku dhaqmo.Ma diidayno khilaafka way jiraan rag badan oo golaha dhexe iyo fulintaba leh oo aniga iga cabanaaya guddoomiye ahaan,waxa loo geeyay madaxweynaha cabasho badan oo waxa u badan rag xukuumadda ku jira, waxaanu u cadaynaynaa in aanay wali jirin nin xisbigaas ka mid ah oo gole dhexe ah ama gole fulineed oo inta uu aniga dacwad gaar iigu keenay ama dood oo aanu ka wada hadalnay oo aan isku diidnay, waxaan cadaynayaa in aanu jirin qof wax ka cawday oo heerkastaba xisbiga leh oo guddoomiyaha golaha dhexe intuu u yimi arintaas kala hadlay oo aan isku diidnay, waxaan u diyaar u nahay in qof walba gacan walaaltinimo aanu ku wada hadalno oo aanu isku qancino,siyaasada xisbiga aanu ku hagaynaa waa taas waxaanan filayaa inaan ka midho dhalin doono oo aanu guul ku gaadhayno.”

Guddoomiye Muuse Biixi oo ka hadlaayay kalsoonida uu ku qabo madaxweyne Siilanayo waxa uu yidhi“Waxaan idiin sheegayaa in aanan madaxweynaha is khilaafsanayn oo kalsooniyadadu tahay boqolkiiba boqol,markhaatigeedana waan idiin sheegayaa, hadal diblomaasi ah maaha iyo mid ku qaboojin ah toona, tusaale ayaan idin siinayaa,xisbiga dhexdiisa mar kasta oo aan anigu tartan siyaasi ah galay oo aan xisbiga wax ka doonay mar walba madaxweynuu gacantiisa ayuu ii taagay waanu igu raacay, 2008-dii markii aan u cararaayay guddoomiye ku xigeenka madaxweynuu gacanta ayuu ii taagay,Burco golahii dhexe in laygu wareejiyo xisbiga guddoonkiisa madaxweynuu gacanta ayuu ii taagay, markii xukuumadda uu qabtayna isaga oo aan saddex bilood xilka hayn ayuu igu wareejiyay, imika markii tartanka Kulmiye soo baxay ee buuqa badan dhacay madaxweynuhu waa uu ka badheedhay oo waxa uu yidhi haloo daayo guddoomiyaha tartanka aynu yarayno oo soo jeedintaas ayuu keenay, dadka rumaysan inuu madaxweynuu wax  xumaynaayo ama aniga ila dagaalamaayoow markhaatigeedii waakaas, aniguna intaas inleeg oo dedaal ah ayaan u hayaa madaxweynaha. Taas waxaan ugu quus goynayaa khal khal ka soo dhex galay xisbga ee laga yaabo ilaa gacmo caalami ah Kulmiye in la dumiyo in ay u soo dhex marayaan iyo dacaayada jirta.Madaxweynaha waxa loo geeyay in xubnaha wasiirada ah oo dhan aanu ka saarnay golaha dhexe, waxa loo geeyay waraaq foojari ah, aanan iska aragnay oo qofka golaha dhexe ah ee doorasho ku yimi shirweyne ayuunbaa ka saari kara iyo maxkamad oo uu galo, waxa la faro farayn karana maaha, waxay ka mid tahay masaaibka xisbiga laga dhex wado. Ilaa heer baa la gaadhay la yidhaahdo madaxweynaha waxa laga saaray golaha dhexe iyo golaha fulinta hadda waa aasaasihii xisbiga, ilaa halkaas ayaa la gaadhsiiyay fidmada oo waa dhux dhux dalka laga dhex wado.Markaanu xisbiga dhisno ee guddoomiyaha,xoghayayaasha  iyo golaha dhexe dhisano ayaanu u gudbaynaa musharaxnimada madaxweyne nimada,madaxweynaha iyo qof kasta oo golaha dhexe ku jira xaqaa siinaaya inuu isa soo sharaxo, Kulmiye waxa laga rabaa cida isa soo taagta in farsamo qabaw oo aan lagu kala cadhoon uu ku kala reebo,dadka iska soo sharaxi doona xisbiga gudihiisana midbuu nasiib raacinayaa oo xisbigaa kala reebaya,madaxweynuuna dadkaas golaha dhexe ayuu ka mid yahay aniguna ka mid ayaan ahay,kuwo kale oo aan la filayna waa ka mid, hadiise aanu cid tartan wada galno oo madaxweynaha gacantiisa middi u baahdo ta madaxweynaha waan isku hubaa.”

Guddoomiye Muuse oo warbaahintu waydiisay inuu isa soo sharaxi doono waxa uu yidhi“Ninv kasta oo xisbi soo gala oo guddi fulineed ama guddoomiye noqda, xisbiga lacag looma yimaado ee nin waliba waxa uu doonayaa in jagada u saraysa ee madaxweynaha tartan ugu galo,tasina waa taan u socdo markay ii suurto gasho xisbigayguna ii ogolaado.”