Hargeysa(Geeska) :-Mas’uuliyiinta xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye, wasiiro iyo xildhibaana Kulmiye ugu jira Wakiilada, ayaa si adag uga hadlay shirkii qaran ee ay maalin ka hor ku dhawaaqeen in ay qabanayaan isbahaysiga mucaaradka Somaliland, waxaana ay sheegeen in shirkaasi yahay mid aan sharci ahayn oo baal marsan shuruucda dalka, iyaga oo sida oo kalena carabka ku dhuftay in shir qaran uu dalka ka qaban karo oo qudha madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland.
Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muj.Muuse Biixi Cabdi oo ugu horeyn ka hadlay shir-jaraa’id oo ay shalay ku qabteen xarunta xisbiga Kulmiye ee Hargeysa, ayaa ayaan darro ku tilmaamay shirka qaran ee ay ku dhawaaqeen xisbiyada mucaaradku, waxaana uu carabka ku adkeeyey in aanay marnaba macquul ahayn in dalka dib loogu celiyo halkii laga soo bilaabay 1993kii.
"Waxaanu doonaynaa in aanu ummada u sheegno in kooban oo ku saabsan arrinta ka soo yeedhay xisbiyada mucaaradka Somaliland. rayga shir qaran horta aynu isla fahamno, guddoomiyaha xisbiga Waddani shalay waxaa uu yidhi waxaa la qaban doona shir qaran oo ummadu ka tashato aayaheeda, horta shir qaran oo aayo ka tashi ahi mar ayaa uu soo maray Somaliland, waxaa uu ahaa 1993kii shirkii Boorama ayuu ahaa, waxaa lagu soo dhisay axdi qarameedkii madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka 28 sanno ka bacdi waxa halkaas innagu celiya Ilaahay innaguma keeno, waa ta labaad e' xisbiyada mucaaradka ah waxaanu isla maraynay oo olalaheedii ku jirnay oo diiwaan galinteedii la bilaabay oo aynu ku murmaynay doorashada ha la qabto bil heblaayo iyo bil heblaayo, waxaa ay doodu taagnayd sadex bilood doorashada aynu maalinta qabano iyo aynu maalinta qabano, waa wax lala yaabo waxa dib innoogu raray 28sanno ka hor iyo aayo ka tashi iyo meel aan xukuumadiba ka jirin, shirka boorame ee aayo ka tashigu waxaa uu ahaa mar ahaan lahayn, mar aan lahayn xukuumad, mar aan lahayn maxkamad sare oo dhisan ayaa shirka la qabtay, ummada waxaan u sheegaynaa eraygaa shir qaran oo aayo ka tashi ah macnahiisa in aanan fahmin waxa ay uga jeedaan, haddii ay u jeedaan kii Boorama ka dhacay in aanu dib u dhacayn oo qaranku uu dhisan yahay maanta oo waxii 20ka sanno lagu soo dhisaayey ay dhisan yihiin oo aan dib looga guurayn."Ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.
Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu sheegay in shirkaas ay ku dhawaaqeen xisbiyada mucaaradku uu yahay awood maroorsi ay mas’uuliyiinta xisbiyadu ka qaadeen madaxweynaha Somaliland oo dastuurku xaq u siinayo in isaga oo kaliya uu shir qaran dalka ka qaban karo, waxaana uu yidhi:"Eray kale ayaa aynu micnaynaynaa shir qaran talo qaran, yaa qaranka ma tela, qaranka waxaa ma tela oo caalamka oo dhan xeer u ah waa mas'uulka ugu sareeya dalka, madaxa qaranku waa madaxweynaha dalka isaga ayaa shir qaran uun qaban kara, afkaana wasiir kuma hadli karo, guddoomiye xisbi kuma hadli karo, guddoomiye baarlamaana kuma hadli karo, haddii la yidhaahdo shir qaran ayaa la qabanayaa, shirka qaran waxaa shir-guddoominaya madaxweynaha, guddoomiyaha Ucid waa ila mid, guddoomiyaha Waddanina waa la mid, waana xad gudub awoodeed oo dastuurku ciddii u siiyey ee ay ummadu u igmatay nin ama xisbi ama laba nin oo xisbi ka hadlaayey iyana waa gef sharci iyo mid siyaasadeed."