Muuse Biixi Oo Hambalyo U Diray Ciidanka Qaranka

0
486

Picture3Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa hambalyo u diray ciidanka qaranka Somaliland oo maanta labaatan jirsanaya.

Warsaxaafadeed uu shalay soo saaray xoghayaha guud ee KULMIYE Md. Xasan Siciid Yuusuf, ayaa wuxuu u dhignaa sidan: “Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka xisbiga, ka Golaha Dhexe, ka Guddida Fulinta iyo ka dhammaan xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga KULMIYE wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa munaasibada xuska maalinta aasaaska ciidanka Qaranka ee 02/02/2014 darteed, hoggaanka Ciidanka Qaranka, dhammaan geesiyaasha ciidammada qaranka, ooryahooda, carruurtooda iyo qoysaskoodaba, isagoo ALLE uga rajaynaya inay sannadkan kiisa kale ku gaadhaan bashbash, barwaaqo iyo caafimaad.

Guddoomiyuhu wuxuu ku boogaadinayaa halyeeyada ciidammada Qaran sida waddaniyada, nafhurka iyo adkaysiga leh ee ay heeganka ugu yihiin ilaalinta qaranimada, xuduudaha iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland.

Gabogabadii, Guddoomiye Biixi, wuxuu u rajaynayaa ciidammada Qaranka iyo guud ahaanba shacabka Somliland guul iyo gobanimo waarta.”