Maxaa Lagu Xasuusan Karaa Cabdirisaaq Xaaji Xuseen?

0
807

Picture2Alle naxariistiisa Jano ha siiyo, Shalay waxa geeridiisa la soo sheegay raysal wasaarahii hore ee Somaliya Cabdirisaaq Xaaji Xuseen,waxa uu ahaa raysal wasaare 1964 ilaa 1967-kii,1960-kii iyo ilaa 1964-tii waxa uu ahaa wasiirkii arimaha gudaha, wasaaradaas  oo ahayd wasaarad weyn oo saamayn ku lahayd maamulka iyo dhismihii ugu horeeyay ee Somaliya.Waxaan jeclahay inaan faalo yar ka bixiyo intaan ka xasuusto maamulkiisii inkasta oo wakhtigaas aan arday ahaa oo ay jiraan dad badan oo iiga aqoon roon,laakiin aragtidayda iyo rayigayga ayaan doonayaa inaan wax yar ka idhaahdo.

Cabdirisaaq Xaaji Xuseen waxa uu ahaa hoggaamiyihii ugu magaca weynaa uguna sumcada fiicnaa madaxdii Somaliya ee inqilaabkii militariga ka hor. Waxa lagu xasuusan doonaa isku daygii dib u habaynta shaqaalaha dawlada iyo in dadka aqoonta leh la qadariyo, aqoontoodana la adeegsado, si maamul tayo leh loo helo. inkasta oo uu ka gudbi kari waayay caqabado jiray iyo dib u habaynta oo aan ahayn mid dhamays tiran, waayo waaxda shaqaalaa dawlada oo dib u habayan lagu sameeya kaligeed waxba tari mayso haddaan dib u habaynta qaybaha kale ee dawladana lagu samayn sida Dhaqaalaha, Siyaasada iyo arimaha guud, dhinac kaliyaata kama suuro galayso haddaan dib u habayntu ahayn mid is raacsan oo dhammaystiran kana kooban qaybaha maamulka dawladnimo oo dhan.

Haddana waxa lib loogu hayaa da’daalkii iyo niyad samidii uu la yimi,macnaha in uu isku dayay in uu isbadal ku sameeyo, maamulkii dawladnimo ee uu ka tagay Talyaanigu sida uu u shaqayn jiray iyo dadkii lagaga tagay maamulka,lib ayaa lagu siin karaa oo waa lagu amaani karaa, xataa haddaanay wax badan uga hirgalin. Madaxda Afrikaanku markay ku fashilmaan maamulka waxay qaladaadka ay sameeyaan kula galgashaan ama dusha ka saaraan cid kale, badanaa ma qirtaan qaladaadka ay sameeyeen ee xagooda ka yimi. Hasa yeeshee waxa raysal wasaarahan lagu xasuusan karaa in mashruucii ugu weynaa ee Somaliya abid loogu deeqo ee  la magac baxay FAANOOLE oo ay maalgalisay dawlada Ruushku, oo u dhigmi karaayay mashruucii dawlada Ruushku ay isna Masar ka hirgalisay ee ESWANDAM-ka,markii mashruucaasi uu fashilmay Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo markaas ahaa raysalwasaarihii hogaaminayay dawlada waxa uu si geesinimo leh umadda ugu sheegay in dawladu ku fashilantay hirgalinta mashruucii FAANOOLE, waxa uu qaatay masuuliyadii fashilaadaas; isaga oo ku sababeeyay Qorsho xumo iyo Aqoon daro ka timi dhanka maamulkiisa, mar kale waa guuldaro,laakiin waxa lib lagu siinayaa waa qiraal aan madaxda Afrika aan hore looga baran.

Waxa lagu xasuusan doonaa markii Somaliya burburtay siyaasiyiin iyo aqoonyahano waaweyn oo aad loogu hanweynaa ayaa qabiil dabada galiyay ama dagaal ooge noqday,Cabdiraisaaq waxa uu ka mid ahaa raga tirada yar ee ka koray xifaltanka Soomaalida dhexdeeda.

Ujeedadu maaha Cabdirisaaq muu lahayn dhaliilo wakhtigii uu wasiirka daakhiliga ahaa ama raysalwasaaraha, waa laga doodi karaa, waanay badan karaan dhaliilahaasi,laakiin waxa aan ka xusayaa dhaliilihiisa qaybtii uu ka qaatay sidii loo bahdilay madaxdii,shaqaalihii iyo ciiddamadii dalkii ku biiray Somaliya ee Somalilan).Waxa uu ka mid ahaa raggii abuuray utunta gaar ahaan isaga iyo Aadan Cabdule Cismaan (Aadan Cadde) oo madaxweynihii wakhtigaas ahaa; waxay ahaayeen ragii dhagaha ka furaystay ama yarastay tabashooyinkii Somaliland ee isa soo taraayay, sida loola dhaqmay madaxdii hogaaminaysay israaca ee Somaliland; inqilaabkii 1961-kii ee saraakiishii reer Somaliland ay isku dayeen, dastuurkii loo qoray Somaliya oo ay Somaliland 80%  diiday, bakayla qaladkii iyo waxii la mid ahaa, dhammaan dhacdooyinkaasi, waxay ka turjumayeen tabashooyinkii dadka reer Somaliland, waxay ahayd in laga hoos qaado ama la saxo khaladaadka la galay, dhacdooyinkaas aan tiriyay intooda badan waxay dhaceen wakhtigii Cabdirisaaq wasiirka daakhiliga ahaa, waxaanu ka mid ahaa raggii mindida daabkeeda hayay,isaga iyo madaxweynihii wakhtigaas oo ahaa Aadan Cabdule Cimaan (Aadan-cad), 1964-kii oo wali tabashooyinkii ay taagnaayeen Cabdirisaaq waxa uu ahaa raysalwasaarihii; markaas wax badan oo Somaliya ka dhacay waxa la beeray  wakhtigii Cabdirisaaq iyo rag kale ay madaxda ka ahaayeen Somaliya.